”Gurmadkan maynaan arag markii la gumaadayey Afrika & Bariga Dhexe!” – Weriye madow ah oo afka furatay (Daawo)

0

(Washington, DC) 10 Maarso 2022 – Werisada madawga ah ee MSNBC ee Joy Reid ayaa jamaahiirta la wadaagtay sharraxaad isir nacayb ah oo ku saabsan qulqulka walaaca faraha badan ee dadweynaha iyo warbaahintu u muujinayaan xiisadda Ruushka iyo Ukraine, iyadoo sheegtay in dadka Maraykanku ay uga naxariis badan yihiin dadka reer Ukraine marka loo eego dadka ku nool waddamada kale ee ay dagaalladu aafeeyeen sababtoo ah waa caddaan iyo Masiixiyiin.

“Waa inaan sidan oo kale u daryeelnaa qaxootiga iyo kuwa wajahaya qabsiga iyo dagaalka ee Bariga Dhexe, Aasiya iyo Afrika, sidoo kale,” Reid ayaa sidaa ka tiri qaybta bandhigeeda.

“Sida loosoo duwayo shaqaaqada Ukraine ayaa shaaca ka qaadday farqi aad u badan oo ku saabsan sida ay u egyihiin ama dareemayaan dadka reer Yukreeyn dhanka indhaha warbaahinta reer galbeedka marka loo eego dhiggooda caddayska iyo madowga.” ayay raacisay Reid.

Waxay xustay sida la iskaga indha tirsan dagaalka ka socda Yemen, halkaas oo ku dhawaad ​​7 sano ay duqeymo ka fulinayeen xulafada Sucuudigu hoggaamiyo oo ay ku dileen kumannaan rayid ah, kuna khasbeen in ka badan 4 milyan oo qof inay ka qaxaan guryahooda, iyagoo weliba taageero ka helaya Maraykanka iyo xubnaha kale ee NATO.

Waxay sheegtay in aan la arag hay’ado ay ka mid yihiin Airbnb iyo Netflix IWM oo tillaabo qaadaya intii ay socdeen dagaallada Bariga Dhexe iyo Afrika iyadoo uu isla Ruushku weeraray Suuriya islamarkaana ay muuqato in dadka qaar la siinayo qiimayn ka badan dadka kale sinji dartii.

Hadalsame Media