Donnarumma iyo Neymar oo xalay ku sigtay inay isu gacan qaadaan!

0

(Madrid) 10 Maarso 2022 – Sida uu qorayo Marca, Gigio Donnarumma iyo Neymar ayaa ku sigtay inay gacmaha isula tagaan kaddib kulankii Real Madrid vs. PSG ee xalay, iyadoo uu wiilka Brazilian-ka ihi goolwalaha ku haysto inuu isagu ciyaarta ku af baray kooxda RM.

MW PSG ee Nasser Al-Khelaifi iyo Maareeye Leonardo ayaa garsooraha dhaliilay iyadoo Nasser laga soo sheegay inuu ku qaylinayey “waan ku dilayaa” isagoo xitaa u gooddiyey qof ka tirsan shaqaalaha RM, balse Neymar ayaa isagu qaba in eedda uu leeyahay Donnarumma oo khalad wayn galay sida uu sheegay.

Balse qabtaha Talyaaniga ah ayaa Neymar u sheegay inuu laftiisu is eedo maadaama goolka 2-aad ee Merengues uu ku yimid kubbad looga soo dafay dhinaca kale ee garoonka.

Labada laacib ayaa isku qabsan gaarey dusmada garoonka waxaana kala qabtay saaxiibbadood.

Hadalsame Media