Ruushka oo tareenadiisa gaashaaman markii ugu horreeysey geliyey gudaha Ukraine (Daawo)

0

(Hadalsame) 09 Maarso 2022 – Tareen gaashaaman oo Ruushku leeyahay ayaa lagu arkay isagoo mushaaxaya koonfurta Ukraine iyadoo ay socdaan hawlgallada ballaaran ee milateri ee Moscow ay ka bilaabeen dalkan deriska ah.

Tareenkan oo ay Ruushku muddo dheer isticmaalayeen ayaa la sheegay inuu halkaa u tegey in lagu soo daabulo muwaadiniinta ajnabiga ah ee doonaya in laga daadgureeyo Ukraine, Zvezda TV ayaa sidaa werisey Talaadadii.

Tareenku waxa uu soo qaaday ilaa 248 qof oo ajaanib ah oo ka soo jeeda oo ku sugnaa magaalada Kherson ee Ukraine ee ay Ruushku si buuxda haatan u haystaan, waxaanay geeyeen magaalada Armyansk, oo ku taal qaybta waqooyi ee Jasiiradda Crimea ee Ruushku horay uga goostay Ukraine.

Muuqaallo ay faafisay Zvezda ayaa muujinaya tareenka oo ka kooban qaybo caadi ah, qayb gaashaaman oo furan, qayb ay saaran yihiin gaadiid gaashaaman iyo sidoo kale qoryaha lidka diyaaradaha oo ku rakiban iyo hub kale oo uu isku difaaco.

Muuqaal kale oo la sheegay in ay duubeen dad daawanayay tareenkan meel ka baxsan Melitopol, ayaa muujinaya tareenka oo marayey duleedka magaalada Ukraine.

Muuqaalkan naadirka ah ayaa soo jiitay dad dhowr ah oo daawanayey, iyadoo qaarkood ay u gacan haadinayeen askarta Ruushka, halka haweenaydii filimka duubeysay ay ku dhufatay qaylo-dhaan xooggan, iyadoo leh “Ukraine ha noolaato!” iyo erayo kale oo Ruushka ka dhan ah dhowr jeer.

Hadalsame Media