Ruushka oo Maraykanka ku eedeeyey inuu Ukraine ka taageerayey samaynta hub halis ah (Cudurro lagu bacriminayey)

0

(Hadalsame) 09 Maarso 2022 – Ruushka ayaa sheegay in Ukraine ay samaysay barnaamij bayoloji millateri ah, taasoo ay ku tilmaameen arin muhiim u ah aduunka oo dhan, oo u baahan in la ogaado runteeda, Afhayeenka Kremlin, Dmitry Peskov, ayaa sidaa sheegay Arbacadan.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Ruushka ayaa mar sii horreysay ka dalbatay Maraykanka in uu u sharraxo caalamka sababta uu u taageeray wax ay Moscow ku sheegtay barnaamij bayoloji ciidan ah oo ay ku lug leeyihiin cudur-sidayaal dilaa ah oo ay ku jiraan cudurka daacuunka iyo kudka (anthrax).

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Maria Zakharova, ayaa Washington ka dalbatay daah-furnaan ku aaddan eedeyntan, oo Kyiv ay beenisay, kaasoo afhayeenka Pentagon-ka uu ku tilmaamay “wax aan macquul ahayn.”

Waxay sheegtay in cadaymaha barnaamijyadan lagu eedeeyay Maraykanka uu Ruushku kashifay intii lagu guda jirey waxa ay ugu yeertay “hawlgalkiisa gaarka ah” ee Ukraine, kaas oo ciidamadeedu ay weerareen Feb. 24.

“Waxaan horeyba u soo gabagabeyn karnaa in shaybaarrada bayolojiga ee Yukreeniyaanka ee sida tooska ah ugu dhow gayiga dalkeenna, laga wadey horumarinta qaybaha hubka bayoolojigaah,” ayay tiri, iyada oo intaa ku dartay in Ruushku hayo dukumeenti muujinaya in Wasaaradda Caafimaadka Ukraine ay amartay burburinta agabkaasi yaalla shaybaarrada oo ay ku jireen samballada cudurrada daacuunka, kudka iyo cudur-sidayaal kale wixii ka dambeeyey Feb. 24.

Suurtagal ma ahayn in si madax bannaan loo xaqiijiyo xaqiiqada dukumeentiyadan ay Ruushku sheegayaan.

Isaga oo ka jawaabaya eedeymihii hore ee Ruushka ee ku saabsan barnaamijka bayolojiga ciidan ee Ukraine, afhayeen u hadlay Pentagon-ka ayaa sheegay Talaadadii in “macluumaadkan yahay been abuur.”

Afhayeen u hadlay Madaxtooyada Ukraine ayaa isna yiri, “Ukraine si adag ayay u beeninaysaa eedaymahan oo kale.”

Yeelkeede, Ruushka aya sheegay in Maraykanka ay waajib ku tahay inuu si rasmi ah ugu sharraxo bulshada caalamka.” Waxaan dalbanaynaa sharraxaad, duniduna way sugaysaa,” ayay raacisay, iyadoo is waydiiyey. “Miyay gacanta u galeen xagjiriinta ama kooxaha waddaniyiinta – yaa wixii dhaca ka bixin doona dammaanad?” ayay tiri.

Hadalsame Media