KASHIFAAD: Dhaxal-sugayaasha Imaaraadka & Sucuudiga oo telefoonka ku dhegeystey MW Maraykanka

0

(Hadalsame) 09 Maarso 2022 – Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Mohammed bin Salman iyo dhiggiisa Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan ee Imaaraadka ayaa diiday codsigii Maraykanka ee ahaa inuu telefoonka kula hadlo Madaxwayne Joe Biden toddobaadyadii la soo dhaafay, Wargayska Wall Street Journal ayaa sidaa sheegay isagoo soo xiganaya saraakiil Maraykan ah.

“Waxaa jirtey rajo ah in la soo waco telefoon, laakiin ma aysan dhicin,” sarkaal Maraykan ah ayaa sidaa u sheegay wargayska. 

Sida laga soo xigtey warbixinta, Riyaad ayaa u ishaartay Biden in Sucuudigu uu doonayo taageero dheeraad ah oo ku saabsan dhowr arrimood oo xasaasi ah, oo ay ku jiraan barnaamijkooda nukliyeerka rayidka ah iyo faragelinta dagaalka sokeeye ee Yemen, iyo Imaaraadku la wadaago dareenkooda iyo walaaca ay qabaan.

Biden ayaa ugu dambayntii khadka taleefanka kula hadlay Boqorka Sacuudiga Salman bin Abdulaziz Al Saud 9-kii Febraayo, isagoo u ballan qaaday inuu ka taageeri doono boqortooyada weerarrada ka dhanka ah fallaagada Xuutiyiinta Yemen iyo Iran, iyo sidoo kale hubinta “xasiloonnida sahayda tamarta adduunka,” sida uu sheegay Aqalka Cad.

Imaaraatka Carabta ayaa laga soo xigtay in wicitaanka Biden iyo Sheekh Maxamed dib loo dhigi doono oo ay diideen inay hadda la hadlaan, iyadoo uu Maraykanku doonayo taageero uu u helo Ruushka oo ay Galbeedku go’doomiyeen.

Bishii hore, Sacuudi Carabiya ayaa diiddey baaqii Maraykanka ee ahaa in la kordhiyo wax soo saarka saliidda iyadoo ay jirto xiisad u dhaxeysa NATO iyo Ruushka si hoos loogu dhigo sare u kaca qiimaha saliidda, sida uu qoray isla wargeyska Wall Street Journal.

Hadalsame Media

Facebook Comments