”Intii uu wiilkaygu noolaa ayay bilaabeen inay i waydiiyaan inay qaadan karaan xubnihiisa!” – Wiil yar oo Soomaali ah oo u dhintay….

0

(Gothenburg) 09 Maarso 2022 – Wiil yar oo Soomaali ah oo ay soo gaareen dhaawacyo halis ah oo dhanka maskaxda ah kaddib markii uu kasoo dhacay buur sisib ah oo ku taalla barxadda dugsiga Sjumilaskolan ayaa hadda dhintay, sida uu xaqiijiyay isbitaalka Jaamacadda Sahlgrenska.

”Waxaan xaqiijin karnaa inuu wiilku dhintay. Ma hayno macluumaad kale oo dheeraad ah.” ayay tiri Ingrid Fredriksson oo ka tirsan qaybta saxaafadda ee isbitaalka jaamacadda Sahlgrenska.

Shilkan ayaa dhacay todobaadkii hore, Arbacadii 2-dii Maarso xilli uu wiilka yar oo 9-jir ihi ku sugnaa Dugsiga Sjumilaskolan ee Biskopsgården, Gothenborg, wuxuuna wiilka yar oo dhiganayey dugsiga hoose uu ka dhacay buurta xilligii fasaxa qadada.

Marka la eego warbixinta dugsigu, shaqaalaha dugsigu waxay wiilka u geeyeen kalkaalisada dugsiga, taasoo uu ku lumay waqti muhim ahaa maadaama ay maskaxdu dhaawacnayd.

Waxaana mar dambe loo qaaday isbitaalka markii ay kasii dartay xaaladda wiilku, iyadoo markaa kaddib loo wacay aambalaas waxaana markii isbitaalka la geeyey markale dhacday wax ay hooyada wiilku ku tilmaantay dayacaad.

”Markiiba wiilka lama siinin gargaar deg deg ah, waxay bilowgii siinayeen dawooyinka xanuunka. Mar ayay xitaa iga wadeen isagoo miyir qaba oo dadka garanaya waxayna soo celiyeen isaga oo u eg sidii wax daroogaysan,” ayay Wafa oo ah hooyada wiilku u sheegtay Hadalsame Media.

”Aniga oo ka sugaya inay ii miciinaan oo ay wiilka ii daweeyaan ayay waxay bilaabeen inay i waydiiyaan inay qaataan xubnaha wiilka oo weli nool, balse ay sheegeen inuu maskaxda ka dhintay,” ayay daba dhigtay hooyo Wafa.

Wiilka yar ayaa shalay la xaqiijiyey inuu dhintay sida ku cad war kasoo baxay Sahlgrenska iyo maamulka dugsiga hoose dhexe ee magaalada Göteborg oo sheegay inuu bilaabay baaritaan ku saabsan shilkan dhimashada sababay.

”Hadda diiradda waa in si buuxda loo saaro in la taageero qoyska, ardayda iyo shaqaalaha dugsiga.” ayay tiri Marie Åhman, Madaxa Warfaafinta ee dugsiga hoose, iyadoo uu jiro qorshe ah in buurtan oo marar badan oo hore walaac laga muujiyey dayr lagu meegaaro, si aanay carruurtu u fuulin mar dambe.

Hadalsame Media