Ilhaan Cumar oo ka hortimid tillaabo uu qaaday Maraykanka una hiillisay shacabka Ruushanka

0

(Hadalsame) 09 Maarso 2022 – Xilli uu Maamulka Biden uu ka fiirsanayo qaadista cunaqabateynta Venezuela si loogu beddelo saliid, Rep. Ilhaan Cumar (D-Minnesota) ayaa ugu baaqday Aqalka Cad in uu garwaaqsado “burburka ay cunaqabateyntayadu u geysatay dadka.”

Biden ayaa sidoo kale si wayn Ruushka ugu ciqaabay colaadda Ukraine, laakiin Cumar ayaa ku adkeysanaya in tallaabooyinkani aysan shaqayn doonin.

Wefdi ka socda Aqalka Cad ayaa u safray magaalada Caracas usbuucan gudihiisa si ay u sahamiyaan suurtagalnimada in cunaqabataynta laga qaado xukuumadda Nicolas Maduro iyadoo loogu beddelayo iibsiga saliidda dalkaasi Venezuela.

Go’aanka Madaxwayne Joe Biden ee Talaadadii uu ku mamnuucay saliidda Ruushka laga keeno ayaa taasi si deg deg ah u kordhisey rabitaanka ah in maamulkiisu uu ku helo sahay kale oo bidaal ah.

Iilhaan oo la hadlaysey The Hill Talaadadii ayaa waxa ay sheegtay in ay “ku faraxsan tahay” in talaabooyinka qaar la qaaday si loo khafiifiyo cunaqabataynta saaran dalkan Koonfurta Ameerika.

“Waxaan rajeynayaa in marka [xubnaha wefdiga Maraykanka] ay halkaas joogaan, inay la hadlaan dadka Venezuela oo ay arkaan burburka cunaqabateynteennu ay ku hayso dadka oo ay ogaadaan in cunaqabataynta lagu soo rogey Venezuela aanay wiiqin mowqifka Maduro,” ayay tiri Ilhaan.

Cumar waxa ay sheegtay in ay rajaynayso in safarku uu “ka takhaluso fikraddan ah in si uun cunaqabataynta lagu curyaaminayo dadkani ay si uun u horseedi doonto isbedel maamul iyo kacdoon… “Ma aysan ka dhicin Cuba, kama dhicin Iran, hubaashiina kama dhicin Venezuela,” ayay raacisay.

Ilhaan ayaa sidoo kale ka soo horjeedda cunaqabataynta Aqalka Cad ee iskahorimaadka Ukraine, waxayna sheegtay inay ka codeyn doonto sharcigan lagu mamnuucayo soo dejinta saliidda Ruushka iyo ballaarinta cunaqabateynta ka dhanka ah Ruushka.

“Bal eeg, waan taageersan ahay in la cunaqabateeyo Putin iyo xulafadiisa,” ayay tiri Cumar oo ka hadlaysay Madaxweynaha Ruushka ee Vladimir Putin. “Laakin ma waxaan u maleynayaa in cunaqabateynta ballaaran ee aannu kusoo rogeyno Ruushka [ay] saameyn xun ku yeelan doonto Putin? Maya. Waxaan u maleynayaa inay saameyn xun ku yeelan doonto dadka Ruushka.” ayay tiri Ilhaan oo xustay in Maraykanku uu dabada hayo siyaasado horay u fashilmay.

Hadalsame Media