DHEGEYSO: Dowladda Sweden oo diiddey inay ku biirto NATO xilli uu aad isu bedelayo ra’yul caamka shacabka

0

(Hadalsame) 09 Maarso 2022 – Ra’isul Wasaaraha Sweden, Magdalena Andersson, ayaa shalay kahortimid baaqyo uga imanayey mucaaradka dalkaasi iyadoo mar ay la kulantay madaxda mucaaradka u sheegtay in Sweden aysan ku biiraynin Gaashaanbuurta NATO.

”Marka la eego wadciga ammaan ee gobolka iyo tan Yurub waxaa Sweden u wanaagsan inaanay ku biirin Gaashaanbuurta NATO.” ayay tiri Anderrson oo aanu dalkeedu dagaal furan gelin tan iyo 1814-kii.

Dalka Ruushka ayaa si wayn u diiddan in Sweden iyo Finland ay ku biiraan gaashaan-buurta NATO, waxaana uu si gaar ah uga hadlay dalka Finland oo leh qodob loo yaqaan ”NATO Option”, in haddii ay ururkaa ku biirto ay kala kulmi doonto cawaaqib ciidan iyo mid millateri, isagoo sidoo kale si dadban Sweden ugu muujiyey inuusan lafteeda raalli ka ahayn inay ururkaa ku biirto, waloow ay Sweden iyadu bannaanka ka joogtey labadii dagaal ee Yurub ka dhacay ee ugu dambeeyey.

Hoos ka dhegeyso warbixin uu weriyaha VOA ee Ridwaan Xaaji Cabdiwali uu arrintan ka diyaariyey.

Halkan ka dhegeyso

Hadalsame Media