TAFTEEY KA BANNAANKA! NATO oo si rasmi ah ugu dhawaaqday inaysan doonayn inay Ruushka hadda wajahdo

0

(Brusells) 08 Maarso 2022 – NATO ayaa sheegtay inay hubinayso in khilaafka socda ee u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine aanu dhaafin xuduudaha dalkaasi, Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga Jens Stoltenberg ayaa sidaa sheegay intii lagu jiray shir jaraa’id oo wadajir ah oo uu la yeeshay Madaxwaynaha Latvia, Egils Levits, ee Riga Talaadadii.

“Dhibaatada aan hadda ku aragno Ukraine waa mid aad u xun. Dhammaanteenna way ina wada saamaynaysaa,” ayuu yirii Stoltenberg.

“Waxaana mas’uuliyadi naga saaran yahay inaan hubinno in colaaddu aysan sii fidin oo aysan ku fidin meel ka baxsan Ukraine. NATO waxa ay dhinaceeda bari ku soo ururisay “kumanaan kun oo ciidamo dheeraad ah iyadoo uu jiro duullaanka naxariis darrada ah ee Ruushku ku hayo Ukraine,” ayuu raaciyey Stoltenberg.

”Isbahaysigu wuxuu diyaar u yahay inuu difaaco “inji kasta” oo Latvia ka mid ah, iyo sidoo kale “inji kasta oo ka mid ah dhammaan dhulalka dalalka xulafada ah,” ayuu ku nuuxnuuxsaday, isagoo faahfaahin ka bixiyay dumidda ciidan ee ururka.

“Waxaan diyaarinnay 130 diyaaradood oo heegan sare ku jira. In ka badan 200 oo markab oo ka kala yimid woqooyiga Sare ilaa Mediterranean-ka.” ayuu raaciyey Stoltenberg.

NATO ayaa haatan u muuqata mid quuraysa dalalka aan balooggan ku jirin balse ologga la ah, iyadoo ay Ukraine muujisay inay filaysey inay gurmad toos ah ka heli doonaan NATO oo caddaysay inaysan diyaar u ahayn inay Ruushka dagaal kula gasho Ukraine dartiis, waloow ay woxoogaa gargaar iyo duco ah usoo direen.

Patriot missile batteries are being prepared in Jaffa, south of Tel Aviv, Friday, March 21, 2003. Patriot missiles are to be used against Iraqi ballistic missles in case of an attack. (AP Photo / Darko Bandic)

Hadalsame Media