Ralf Rangnick oo cilmi-nafsi ahaan u dersey macnawiyadda xidiggaha Man United & 2 laacib oo qura oo baastay (Magacyadooda)

0

(Manchester) 08 Maarso 2022 – Macallinka Man United ee Ralf Rangnick ayaa lasoo werinayaa inuu sheegay in laacibiinta Luke Shaw iyo Scott McTominay oo qur ihi ay muujinayaan tayooyinka looga baahan yahay ee ka caawin kara Manchester United inay ka jibo keento kulamada baaxaadegga badan ee aanu xaalku noqon sidii la filayey, sida kuwa goolal lagala hormaro ama laga daba keeno.

McTominay ayaa 90 daqiiqo ka ciyaaray guuldarradii United ay 4-1 ku dhufteen kooxda ay cubtamaan ee Manchester City Axaddii, halka Shaw uu ciyaartaa ku seegay caabuq-sidaha coronavirus.

Laacibiinta United ayaa lagu eedeeyey inay horay iska dhiibaan marka uu xaalku xumaado sida ay ku doodeen xidigihii hore ee kooxdaas ee Roy Keane iyo Gary Neville waxayna daliishadeen in City ay ku naalloonaysey kubadd haysi gaarey boqolleey waalli ah oo ah 92% gaar ahaan 15-kii daqiiqo ee dhamaadka ciyaarta, iyadoo la arkayey goolwalaha City oo wax uu qabto la’aa oo iska fadhiya bartanka garoonka.

Sida uu qabo ESPN, Rangnick iyo ragga la shaqeeya ayaa waxaa haataan ‘walaacinaysa’ sida ay u dilan tahay niyadda laacibiinta United taasoo macallinka KMG ah ku adkaysay inuu wax badan ka bedelo bandhigga kooxda oo uu kala wareegey halyaygii hore ee Ole Gunnar Solskjaer.

Ralf Rangnick, ayaa runtii wax ka ogaan kara macnawiyadda laacibiintiisa maadaama uu leeyahay nin yaqaanna cilmu-nafsiga oo isaga la shaqeeya, waxaana yaab ah in CR7 aanu ku jirin ragga niyadda adag leh.

Hadalsame Media