Dowladda Kenya oo qaadaysa tillaabo lagu soo xirxirayo darawallada boodhooyinka & waxa ay bi’iyeen (Daawo)

0

(Nairobi) 08 Maarso 2022 – Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa amar ku bixiyay in la qaado tallaabo ka dhan ah dhammaan mootooyinka Boda boda ee ka howlgala magaalada Nairobi iyo guud ahaan ah, kaddib dhacdadii Jimcihii ee haweeney darawal ah lagu faraxumeeyay gudaha magaalada.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale faray in la diiwaan geliyo dhammaan mootooyinka. Isagoo ka hadlayay munaasabad lagu xusayay Maalinta Haweenka Adduunka oo lagu qabtay Iskuulka Dowladda Kenya ee Kabete ee magaalada Nairobi, ayaa Mr Kenyatta waxa uu sheegay in aan loo arkin howlgallada lagu bartilmaameedsanayo ganacsiyada yar yar, balse loo arko mid lagu soo celinayo fayoobida dhankaasi.

“Waxaan rabaa in aan tixraaco muuqaalka wareegayey, waxa uu ahaa mid niyad-jab ah, waxaana uu noqonayaa midka qura ee la soo bandhigay, waxaana amar ku bixiyay in la joojiyo dhammaan hawl-wadeennada Boda Boda ee halkan annagoo ka bilaabayna Nairobi kaddibna dalka,” ayuu yiri Kenyatta.

”Waxaan ogahay in aanu mashquul ku nahay xiligan siyaasadeed, qaarna waxay dhihi doonaan dowladdu waxay dhibaysaa ganacsatada yar yar, waxaasi ma jiraan.” ayuu raaciyey.

Madaxwayne Kenyatta ayaa intaa ku daray in maamulkiisu uu hormuud ka ahaa taageeridda waaxda boda boda, balse taasi aan loo arkin in ay ku lug leedahay dambiilayaasha ku dhuumaaleysanaya qaybtan.

Boodhooyinka ayaa dhibaatooyin badan oo dhanka jidadka ah iyo dhanka ammaanka ahba ka gaysta magaalada Nairobi.

Hadalsame Media