DARAASAD: Dhibaato jireed oo uu Covid-19 maskaxda u gaysto oo la ogaadey & qaybo yaraada

0

(London) 08 Maarso 2022 – Covid-19 ayaa wuxuu sababi karaa maskaxda oo yaraata iyo dhaawac gaara nudayaasheeda, iyadoo bukaannada qaar ay la kulmaan maskaxda oo saddex jeer ka yaraata marka loo eego kuwa aan qaadin fayruska, sida laga soo xigtay daraasad ay samaysay jaamacadda Oxford oo la daabacay Isniintii.

Daraasada waxaa ka qaybgalay 785 oo reer UK ah oo ay da’doodu u dhaxayso 51 iyo 81 jirro, kuwaas oo dhamaantood laga sameeyay laba sawir oo maskaxda ah oo qiyaas ahaan saddex sano u dhexeeyso.

401 ka mid ah ka qaybgalayaashan ayaa waxaa ku dhacay nooca ‘Alfa’ ee Covid-19, waxaana iskaanka maskaxda la saaray ilaa afar bilood kaddib markii cudurkani haleelay.

Bukaannadan Covid waxay la kulmeen celcelis ahaan inay lumiyeen cufkii maskaxdooda  0.7% gaar ahaan meelaha urta ku shaqada leh marka loo eego kuwa aan qaadin fayruska.

Celcelis ahaan, meelahani waxay hoos u dhacaan 0.2% ilaa 0.3% sanadkiiba dadka da’da dhexe iyo kuwa da’da ah siday u kala horreeyaan, taasoo la micno ah in dadka qaaday Covid-19 ay la kulmeen in maskaxdoodu ay saddex jeer ka yaraatay heerka caadiga ah.

Dadka qaaday Covid-19 ayay sidoo kale waqti dheer ku qaadatay inay dhammaystiraan imtixaannada garashada. Meelaha ugu darani waa aagagga orbitofrontal Xortex iyo parahippocampal gyrus – oo ah laba gobol oo door ka ciyaara xusuusta, balse weli lama go’aamin in dhibaatadani ay tahay mid joogto ah iyo mid KMG ah.

Hadalsame Media