Arrin looga maaro la’yahay magaalada Burco oo heer maamul gaartey (Waa maxay?)

0

(Burco) 08 Maarso 2022 – Wasiirkii Howlaha Guud & Guriyaynta Somaliland, Cali Mareexaan, ayaa aad u dhaliilay arrin qosol badan oo ka taagan Burco, taasoo uu ku baaqay in wax laga bedelo.

Cali ayaa sheegay in magaalada Burco ah caan ku noqotay in ay dadku xaafadaha u bixiyaan magacyo xun xun, taasoo aan diinta ku wanaagsanayn.

”Xaafad baa loo bixiyey ”If & Aakhiro”, ”Samir & Iimaan”, ”Ilaahow waad na aragtaa”, war waxaasi ma magacyaa? Waxaaasi waa af JIRRI dee,” ayuu yiri Cali Mareexaan.

Wuxuu kaloo tilmaamay in dhammaan xaafadaha la siiyey magacyadani ay sidoo kale leeyihiin magacyo rasmi ah oo wanaagsan. Tusaale, ”Samir & Iimaan” waxaa la yiraahdaa ”17-ka May”, wuxuu sidoo kale sheegay in xaafadda ”Caqiibo” loo bixiyey magac aanu afkaba soo marin karin, sida uu yiri.

Wuxuu sheegay inay jirto xaafad Hodan la yiraahdo oo la sameeyey 1972-kii, balse taa lafteeda loo bixiyey ”Hodan Qaylo”, wuxuuna isbarbardhigay doox magaalooyinka Burco & Berbera dhexmara oo midka Burco magac xun la siiyey, halka kan Berbera loo bixiyey ”Far Janno.”

Gobolkii 3-aad oo ka mid ah Somaliland oo dadka reer Koonfurta laga  musaafurinayo - Caasimada Online

Hadalsame Media