”Waxaad waddaan NATO cusub mana yeelayno!” – Shiinaha oo furka ku xooray qorshe uu Maraykanku ka wado Badda Deggan

0

(Beijing) 07 Maarso 2022 – Wasiirka Arrimaha Dibedda Shiinaha, Wang Yi, ayaa soo jeediyay in hadafka dhabta ah ee istaraatiijiyadda Maraykanka ee Gobolka Indo-Pacific ay tahay in la sameeyo nooc cusub oo NATO ah, isagoo uga digay Aqalka Cad in isku day kasta oo lagu sameeyo arrintaas ay fashiliniyaan.

Isagoo ka hadlayay Shirwaynaha 13-aad ee Xisbiga Dadka Qaranka Isniintii, Wang wuxuu  Washington uga digey inay ku dhaqaaqdo qaab sababi kara xasilkooni darro gobolka Badda Deggan ka dhacda, iyadoo uu jiro muran dhuleed oo u dhexeeya Shiinaha iyo quruumaha kale.

“Aasiya-Pacific waa dhul rajo leh oo iskaashi iyo horumar ka socdo, ma aha meel lagu ciyaaro iskaakada tartanka siyaasadda juquraafiyadeed,” ayuu ku qayliyey Wang isagoo dhaleeceynaya Maraykanka.

Wang wuxuu ku andacoodey in habka Maraykanka looga gol leeyahay oo kaliya in lagu ilaaliyo awoodda Maraykanka iyada oo loo marayo “siyaasad kooxeed”, taas oo Beijing ay aaminsan tahay inay wiiqi doonto Ururka Midowga Koonfur-bari Aasiya (ASEAN) oo leh midow siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo horeyba u jiray.

Hadalsame Media