Ruushka & Ukraine oo yeelanaya kulankii ugu heer sarreeyey in muddo ah (Goorta & goobta uu ka dhacayo?)

0

(Hadalsame) 07 Maarso 2022 – Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ukraine, Mevlüt Çavuşoğlu, ayaa sheegay in wasiirrada Arrimaha Dibedda ee Ukraine iyo Ruushku ay ku kulmi doonaan magaalada Antalya Khamiista soo aaddan, taasoo qayb ka ah dedaallada dhexdhexaadinta ah ee Turkigu uu xal ugu raadinayo duullaanka Moscow.

Çavuşoğlu oo la hadlay warfidiyeenka maanta oo isniin ah ayaa sheegay in Ankara ay dedaal wayn u gashay sidii loo qabanqaabin lahaa kulanka labada dhinac oo muddo la hadalhayey.

“Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ruushka Lavrov iyo Kuleba ayaa ku kulmi doona Antalya Khamiista 10-ka Maarso,” ayuu yiri Cavuşoğlu, isagoo xusay in kulanka oo ka barbar dhici doona Madasha Diblomaasiyadda Antalya (Antalya Diplomacy Forum) uu noqon doono mid saddex geesood ah.

Isagoo muujiyay rajo ah in kulanku “uu noqon doono mid keeni kara isbedel” iyo “tallaabo muhiim ah” oo loo qaado dhanka nabadda iyo xasilloonida, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Turkiga ayaa tibaaxay in Ankara “ay sii wadi doonto dedaalka ay ku bixinayso in la helo nabad waarta.”

Turkiga ayaa isku dayayey inuu dhex dhexaadiyo Ruushka iyo Ukrain oo uu dhowr jeer u soo bandhigay inay dhowr madlood ku martigeliyaan wadahadal.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Ruushka Maria Zakharova ayaa dhicitaanka kulankan ku xaqiijisay Telegram-ka. Kuleba ayaa isna sheegay Sabtidii inuu u furan yahay wadahadal uu la yeesho Lavrov laakiin waa haddii uu “macno leeyahay” wadahaalkaasi, sida uu yiri.

Warkan ayaa kusoo beegmaya iyada oo ay labadan dal yeelanayaan kulankii 3-aad oo heer hoose ah, si wadiiqooyin aadminnimo loogu furo dadka ku tabaaloobey dagaalka, balse kulankani waa midkii ugu heer sarreeyey, haddii uu dhaco, ee dalalkani yeeshaan intii muddo ah.

Foreign Minister Mevlüt Çavuşoğlu speaks at a joint news conference with his Azerbaijani counterpart in Baku, Azerbaijan, March 5, 2022. (AA File Photo)

Hadalsame Media

Facebook Comments