KASHIFAAD: Dokumentiyo sir ah oo muujinaya waxa uu Maraykanku ka wado Ukraine & arrin uu u diyaariyey + Sawirro

0

(Washington, DC) 07 Maarso 2022 – Maraykanka ayaa si aad ah u kordhiyey shixnadaha gargaarka halista ah ee uu u diro Ukraine ilaa dabayaaqadii sanadkii hore, oo ay ku jiraan hubka iyo qalabka looga dagaallamo magaalooyinka, Washington Post ayaa arrintaa kashiftay, kaddib markii ay heshay dokumentiyo qarsoodi ah.

Sida ku cad warqadaha Pentagon-ka, laga soo bilaabo horraantii Diseembar Washington waxay si firfircoon ugu qalabaynaysay Dowladda Kiev qoryaha darandoorriga u dhaca, dharka gaarka ah ee lagu tuuro walxaha qarxa iyo waxyaabo kale oo faa’iido u leh dagaalka magaalooyinka – taasi waa in ka badan laba bilood kahor inta uusan dhicin duullaanka Ruushku.

Toddobaadkii la soo dhaafay hubka Maraykanka ee la gaarsiinayo Ukraine ayaa sii xoogeysatey, iyadoo Kiev ay heshay nidaamka gantaalaha lidka diyaaradaha ee Stinger markii ugu horreeysay, iyadoo sidoo kale kor u qaadday hubkeeda gantaalaha lidka taangiyada ee Javelin, iyo waxyaabo kale.

Taxu waxa uu muujinayaa baaxadda wayn ee uu maamulka Biden “u doonayo inuu u diyaariyo millateriga Ukraine si uu u qaado dagaal isku dhafan (mid ciidan oo toos ah iyo ku dhufoo ka dhaqaaq) oo ka dhan ah Ruushka,” ayuu warkiisa ku daray Washington Post.

Hubka aannu siinayno Kiev waa “hannaan joogto ah. Had iyo jeer waxaanu eegnaa waxa Ukraine u baahan tahay, waxaana sidan samaynayney sanado badan hadda” ayaa laga soo koobiyey sarkaal sare oo ka tirsan difaaca Maraykanka oo aan la magacaabin balse uu wargeysku soo xigtey.

Hadalsame Media