Dal dagaalka kahor xabadka u garaacayey Ukraine oo ay hagari ka muuqato & Faransiiska oo ku xanaaqey!

0

(Hadalsame) 07 Maarso 2022 – Ra’iisul Wasaaraha UK, Boris Johnson, ayaa ku gacan sayray baaqyo ahaa in UK ay albaabada u furto qaxooti kasta oo Ukrain ah oo ka soo cararaya colaadaha dalkooda ka socda, doonayana in ay badbaado u raadsadaan Britain, isagoo sheegay in dowladdiisa ay doonayso in ay awood u yeelato in ay hubiso cidda doonaysa in ay ka gudbaan xadka.

Isagoo hadlayay Isniintan, Johnson wuxuu difaacay jawaabta gaabiska ah ee dowladdiisa Britain, isagoo sheegay in UK ay tahay “dal aad iyo aad u deeqsi ah” laakiin saraakiishu ayaa weli doonayaan inay sii wadaan “xakamaynta” iyo “in ay awoodaan inay hubiyaan” qof kasta oo sheeganaya inuu ka soo cararayo Ukraine kahor inta aan la siin fiisaha.

“Waxaan u malaynayaa inay macquul tahay marka la eego waxa ka socda Ukraine inaan haysano xoogaa awood ah oo lagu hubinayo cidda soo geleeysa dalkeenna.” ayuu ku dooday Johnson, isaga oo meesha ka saaray dhaleeceynta UK oo si gaabis ah u wajahaysa qaabilaadda qaxootiga Ukraine.

Axadii, Madaxa Qaramada Midoobay ee Qaxootiga, Filippo Grandi, ayaa ku qiyaasay in 1.5 milyan oo Yukreeniyaan ihi ay hadda ka carareen dalkooda tan iyo markii uu billowday duullaanka milliteriga Ruushka 24-kii bishii hore ee Febraayo.

Tan ugu daranise, waa in ay UK ilaa haatan qaabishey wax aan ka badnayn 50 qofood oo reer Ukraine ah, sida uu sheegay Home Office-ku, taasoo 1% ka noqonaya 5,535 oo qofood oo dalkaa u dhashay oo araaji qaxootinnimo ama magangelyo-doon u dirsaday dalka Britain tan iyo markii uu dalkaasi ku dhawaaqay barnaamijka qaabilaadda ah todobaadkii tegey.

Wasiirka UK ee Yurub, James Cleverly, ayaa difaacay tirooyinka bilowga ah, isagoo ku andacoonaya inay “dhaqso u kici doonto” inta uu qorshuhu sii socdo, halka Xoghayaha Arrimaha Gudaha, Priti Patel, ay sheegtay in Britain ay raadineyso inay dardargeliso heerka fiisaha lagu bixinayo haatan.

Jawaabta kasoo baxday Dowladda UK ayaa ku soo beegantay maalmo kaddib markii uu Faransiisku si xun u weeraray jawaabta Ingiriiska ee xaaladda qaxootiga, isaga oo sheegay in hab-dhaqanka Britain ay yihiin kuwo aan gebi ahaanba ”ku habboonayn” xaaladda taagan.

UK ayaa ku jirtey dalalkii xabadka u garaacayey inay Ukraine caawinayaan kahor intaanu dalkaasi kusoo duulin Ruushka oo ay Galbeedku aad ugu carinayeen sanadihii dambe, balse aanay ka celin haatan.

Ukraine-Russia War: "Won't End Campaign Until Ukraine Stops Fighting," Says  Putin: 10 Facts

Hadalsame Media