Dagaalka Ukraine oo si ”khayrkii madoobaa” ugu noqday Ruushka & Midowga Yurub oo si ay yeelaan garan la’ (Faa’iido badan oo uu helay)

0

(Hadalsame) 07 Maarso 2022 – In kasta oo Ruushka la saaray cunaqabataynta dhaqaale ee lagu ciqaabayo, RW Jarmanka ee Olaf Scholz ayaa Isniintan sheegay in Yurub ay u baahan tahay inay sii waddo soo dejinta saliidda iyo gaaska Ruushka, kuwaas oo uu sheegay inay “muhiim u yihiin” ammaanka tamareed ee qaaradda.

“Waqtigan xaadirka ah, sahayda Yurub ee tamarta kulaylka, socodka, sahayda korontada iyo wershadaha laguma heli karo si kale aan ka ahayn in Ruushka laga keeno,” ayuu u dhigan yahay bayaan rasmi ah oo ka soo baxay xafiiska Scholz.

“Sidaa darteed, waxay aad muhiimad ugu leedahay bixinta adeegyada guud iyo nolol maalmeedka muwaadiniinteenna.” ayuu raaciyey.

Jarmanka ayaa aad ugu tiirsan tamarta Ruushanka 55% marka la eego gaaska dabiiciga ah, halka Midowga Yurub ay ku tiirsan yihiin in ka badan kala bar tamarta ay u baahan yihiin. EU ayaa Ruushka ka hesha 41% gaaskeeda, 46% dhuxul-dhagaxda, iyo 27% saliidda.

Sidaas darteed, ururka Midowga Yurub wuxuu ka caga jiiday inuu cunaqabateeyo tamarta Ruushka si uu uga jawaabo duullaanka Ukraine, xitaa isagoo Moscow ku garaacay xayiraado aan horay loo arag, hawadiisana ka xirtey duullimaadyada Ruushka, mamnuucayna warbaahinta Ruushka, islamarkaana hub siinaya Ukraine.

Ruushka ayaan aad u dareemi doonin cunaqabataynta la saaray inta ay u furan yihiin ilaha dhoofinta tamarta uu soo saaro oo aysan haatan reer Galbeedku bidaal u heli karin aadna ugu tiirsan yihiin, waloow uu dagaalku sicirkii uun laba-laabay taasoo aad usii anfacaysa Ruushka oo uu u kordhay dakhligii uu khayraadkiisa ka helayey.

Hadalsame Media