”Annaga ayaa iibsanayna gaaska iyo qamadiga Ruushka!” – Dal Muslim ah oo qandaraas la galay Putin & Galbeedka oo isha ku haya

0

(Hadalsame) 07 Maarso 2022 – Pakistan ayaa heshiis ballaaran la gashay Ruushka kaasoo ku saabsan soo dejinta gaaska dabiiciga ah iyo qamadiga, sida ay sheegtay warbaahinta dalkaasi oo soo xiganaysa Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Imran Khan.

Khan ayaa laga xigtey in uu sheegay in isaga iyo Madaxweynaha Ruushka ee Vladimir Putin ay “wadahadallo aad u wanaagsan yeesheen” booqashadiisa Moscow usbuucii hore, halkaas oo hoggaamiyeyaasha ay ku kala saxiixdeen heshiis laba geesood ah.

Waxa uu xusay in Pakistan ay qorshaynayso in ilaa 2 milyan oo tan oo qamadi ah ay ka soo dhoofsato Ruushka mustaqbalka dhow.

Labada hoggaamiye ayaa lagu soo waramayaa inay sidoo kale ka wadahadleen dhuumaha gaaska ee Pakistan Stream oo muddo dheer dib u dhac ku imanayey, kaas oo la doonayo in lagu dhiso iyada oo ay Pakistan iska kaashanayaan shirkado laga leeyahay dalka Ruushka.

“Labada dal waxay aad ugu hanqal taagayaan in ay bilaabaan mashruuca sida ugu dhaqsaha badan.” sida ay sheegtay Wasaaradda Tamarta Pakistan.

Dhuuntan qaadaysa gaaska dabciiciga ah ayaa dhereran 1,100km (683-mayl) oo isku xirta Ruushka iyo Pakistan waxaana la isku raacay 2015-kii, iyadoo wada maalgelinayaan Moscow iyo Islamabad labadaba, waxaana dhisaya qandaraaslayaal Ruush ah.

Arrintan ayaan ka farxin doonin reer Galbeedka oo doonaya in Ruushka lagu qabto ceejin dhaqaale oo aan nooceeda horay loo arag.

Hadalsame Media