4 talo oo ku socota wiil dhallinyaro ah oo sheegay in carruur loo tuuray + Video

0

(Hadalsame) 07 Maarso 2022 – Waxaa baraha bulshada wareegaalaysanaya muuqaal uu soo geliyey nin dhallinyaro ah oo ku doodaya in gabar ay kala tageen ay tuurtay ilmo ay isaga u dhashay.

Ninkan oo sheegay inuu Jarmanka ku sugan yahay ayaa dadwaynaha usoo bandhigay 2 ilmood oo yar yar oo uu ku dooday inay xaaskiisii hore doonayso inay dowladda u gacan geliso iyadoo diiddan inay isaga ku qorto, isagoo Soomaalida ugu baaqay inay ilmaha u hayaan.

Haddaba, waloow aynaan ogayn sheekada dhinaceeda kale si kastoo ay tahayna ay khalad tahay inay hooyo ilmeheeda tuurto, inkastoo ay dhici karaan dhibaatooyin dhanka dhimirka ah iwm, waxaa quman in ninkan dhallinyarada ihi uu qaado dhowrkan tillaabo:

1 – Horta waa inuu joojiyaa inuu ilmihiisa inta soo sawiro ama arrimiisa gaarka ah oo uu bulshada la wadaago, waayo inta badan marka laga yimaado inaan xal badani kaaga imanaynin Soomaalida daadsan baraha bulshada, ay misna faragelin iyo dhibaatooyin kale uga iman karaan.

2 – Qoyska & reerka gabadha halla xiriiro, halla heshiiyo wixii uu wanaagga ilmuhu ku jirana halla meel dhigo. Iyaga laftoodu waa inay xil gartaan oo ay dhegta & dhaqanka iyaga oo dhowraya arrintan la xalliyaan wiilka.

3 – In aanu arrintan u bandhigin hay’ado kale oo aanu hubin waxa uu ka mudan karo, micnuhu ma aha inay khalad tahay in hay’aadka dowladda kaalmo la waydiisto, balse marka ay meesha ka muuqato inay ilmuhu dayacan yihiin oo la isku tuurtuurayo, marka dabcan xisaabta lagu daro waxyaabo ay dhici karto inaynaan hadda ogayn amaba waalidiinta ilmuhu aysan u arkaynin dembi, waxaa ka dhalan karta in carruurta lala wareego.

4 – Waxaa wanaagsan in ninkan dhallinyarada ihi uu ilmihiisa dhexda u xirto oo uu ilaa xad isku dayo inuu isagu haysto. Tillaabooyin badan ayuu qaadi karaa xitaa ha noqoto inuu guursado haweenay kale oo dareen insaaniyadeed leh oo ilmaha la xannaanaysa, inuu qoyskiisa qaraabadiisa la kaashado iwm, laakiin marna talo wanaagsan ma aha Youtube iyo Facebook la geliyaana keeni kayso natiijada la doonayo.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media