XOG: Nin ka tirsanaa wefdiga Ukraine ku metelayey wada hadalka Ruushka oo la khaarajiyey (Sababta & sawirkiisa oo aan calaamaynay)

0

(Kyiv) 05 Maarso 2022 – Ilo war oo dalka Ukraine ah ayaa sheegaya in xubin ka tirsanaa wefdigii ay Kiev dirtay ee wada xaajoodka kula jirey Ruushka la khaarajiyey maanta oo Sabti ah.

Qofkii ugu horreeyey ee sheega geerida Denis Kireev wuxuu ahaa nin lagu magacaabo Aleksandr Dubinsky, oo ah xildhibaan iyo weriye aan halkiisa la gabban, kaasoo baraha bulshada ku faafiyey in Kireev ay dileen sirdoonka Ukraine ee SBU, xilli ay isku deyayeen inay xiraan.

Waxaana warkan markii dambe xaqiijiyey laba warqaad oo kala ah Ukraina.ua iyo Obozrevatel, oo labaduba soo xigtey ilo hoose, waxayna daabaceen sawirka maydkiisa oo woxoogaa shucaac la geliyey kaasoo muujinaya qof yaalla laamiga marshabiyeedigiisa una eg in wejiga dhiig uga yaallo, waloow aanu nidaamka Ukraine weli ka hadlin.

Xildhibaanka iyo weriyaha aan sheegayno oo la yiraahdo Anatoly Sharij, ayaa intaa ku daray in Kireev “madaxa laga toogtey” meel u dhow maxkamad ku taalla Kiev.

Kireev, oo asal ahaan bangaariyo ahaa, ayaa ah ninka dhanka ugu shisheeysa ee midig ka fadhiya sawirka wefdiga wada hadalka ku jira ee Ruushka iyo Ukraine intii lagu jirey wareeggii hore ee Isniintii hore.

Waxaase cajiib ahayd in markii dambe magaciisa uu nidaamka Kiev ka reebay 6-dii qofood ee Ukraine metelaysey, lamana faahfaahinin sababta.

Bishii hore, TV Ukrainian ah oo la yiraahdo Channel 5 ayaa ku dooday in Kireev ay dabagal ku hayeen Nabad Sugidda SBU oo la xiriirinaya inuu xiriir la lahaa Sirdoonka Ruushka ugu yaraan tan iyo 2020.

Markii dambe waxaa la sheegay in dabagalka la joojiyey maadaama uu xiriir la leeyahay xubno sare oo ka tirsan SBU, lamase oga ujeedka ka dambeeyey warkan uu baahiyey TV-gan oo uu leeyahay MW hore ee Ukraine ee Petro Poroshenko, balse waxay ugu yaraan ugu fillayd olole sumcad dil ah.

Hadalsame Media