Tillaabo ay wada qaadeen Maraykanka & Ruushka oo muujinaysa inay xaaladdu xasaasi tahay

0

(Hadalsame) 04 Maarso 2022 – Millateriga Maraykanka iyo Ruushka ayaa sameeyay khadka “khilaaf-baajinta” si ay uga hortagaan isfaham la’aan ama shilal u sii gudbi kara dagaal u dhexeeya Moscow iyo NATO, Pentagon-ka ayaa xaqiijiyay Khamiista.

“Maraykanku waxa uu hayaa dhawr hilin si uu ugala hadlo arrimaha ammaanka ee muhiimka ah Ruushka inta lagu jiro xaaladaha degdeg ah,” ayuu sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga u sheegay warfidiyeenka warbixin xog-siin ah Khamiistii.

“Wasaaradda Difaacu waxay dhowaan dejisay khad telefoon oo toos ugu xiran Wasaaradda Difaaca Ruushka kaasoo la furay 1-dii Maarso ujeeddooyinkiisana waxaa ka mid ah in looga hortegayo in si khaldan la isu fahmo, shil ciidan, iyo xaaladda oo kacda.” ayuu raaciyey.

Pentagon-ka ayaa horey u isticmaalayey hilin isgaarsiineed (hotline) oo kan la mid ah oo toos ugu xiran Moscow, xilligii uu Ruushku wadey hawlgallo ka dhan ah kooxaha xag-jirka oo ay Dimishiq martiqaaday dabayaaqadii 2015-kii – iyadoo ay mararka qaarkoodna is jarayeen waddooyinka ciidamada Maraykanka iyo Ruushku, si looga fogaado isku dhac oo la iskaga warqabo.

Taliska Maraykanka ee Yurub ayaa mas’uul ka ahaan doona dhanka Maraykanka ee khadka taleefoonka, ayuu yiri sarkaal ka tirsan Pentagon-ka. Ku dhawaaqistan ayaa timid maalin kaddib markii Sweden – oo aan xubin ka ahayn NATO – ay ku eedeysay diyaaradaha Ruushka inay ku soo xad-gudbeen hawadeeda jasiiradda Gotland ee Badda Baltic-ga.

Maraykanka iyo Ruushka ayaa alaaba khadkan oo loo yaqaan “deconfliction line” furta marka ay xaaladahan oo kale taagan yihiin, maadaama uu khalad yar oo dhaca uu sababi karo dagaal nukliyeer ah.

Hadalsame Media