DEG DEG: Somalia oo markale qaadatay go’aan ka dhan ah duullaanka Ruushka (Dalka qura ee Ruushka taageeray)

0
The United Nations Human Rights Council in Geneva, seen earlier this year during a presentation on the conflict in Syria. On Tuesday, Secretary of State Mike Pompeo and Ambassador Nikki Haley announced that the U.S. will be withdrawing from the council.

(Hadalsame) 04 Maarso 2022 – DF Somalia ayaa ugu dambayn bedeshey go’aan yara dadbanaa oo ay horay uga qaadatay khilaafka Ruushka iyo Galbeedka, iyadoo haatan wax kasoo saartay baaq kale oo caalami ah oo lagu cambaaraynayo duullaanka Ruushka.

Kalfadhiga 49-aad Golaha Xuquuqul Insaanka QM ee Geneva oo ah kulan lagu eegayo “xaaladda xuquuqul insaanka Ukraine”, ayaa waxaa kasoo baxay qaraar rasmi ah iyadoo  Somalia ay ka mid tahay 47-da xubnood oo Golahan ku jira.

Golaha Xuquuqul Insaanka QM ayaa haatan go’aamiyey in Guddi Gaar ah loo xildaaro baaritaanka duullaaka Ruushka ee Ukraine, iyadoo ay go’aankan ka aamuseen 13 dal, 2 dal ay diideen kuwaasoo kala ah Ruushka laftiisa iyo Eritrea, halka 32 dal ay u codeeyeen, kuwaasoo ay Somalia ku jirto.

Somalia ayaa kulankii bilowga ahaa ka maqnayd taasoo loo fahamsanaa ishaaro ah inay ka aamusi doonto, balse gelinkii dambe ayay shirka Golaha Guud ku cambaaraysay duullaanka Ruushka.

Hadalsame Media