Maraykanka oo ku faanay tillaabo ay qaadday Somalia (Arag liis uu soo saaray)

0

(New York) 03 Maarso 2022 – Danjiraha Maraykanka ee QM, Linda Thomas-Greenfield, ayaa ku faantay guul ay sheegtay inay kasoo hooyeen Golaha Guud ee QM.

Maraykanka oo ku fashilmay inuu qaraar cambaarayn ah ka helo Golaha Ammaanka oo uu laakiin codad aqlabi ah ka helay, balse uu Ruushku VETO saaray, ayaa u weecday dhanka Golaha Guud.

Waxaana kulan aan caadi ahayn oo uu Goluhu yeeshay ay 141 dal u codeeyeen qaraar Ruushka ugu baaqaya inuu ka baxo dalka Ukraine, waxaana dalalkaa ku jirta Somalia.

“Waxaan ku faanayaa inaan goobjoog u ahaado codayntan taariikhiga ah ee lagu difaacayo Ukraine iyo Xeerka QM oo ay u codeeyeen 141 dal.” Ayay tiri Linda oo soo qaadatay magacyada dalalka Golaha Guud oo u kala saaran u codayn, ka codayn iyo ka gaabsi.

 

Hadalsame Media