Ruushka oo markii ugu horreeysey shaaciyey tirada askarta uga dhimatay dagaalka Ukraine

0

(Moscow) 02 Maarso 2022 – Ilaa 498 askari oo Ruush ah ayaa la dilay ku dhowaad ​​1,600 oo kalena waa la dhaawacay intii uu socdey weerarka ka socda Ukraine, sida ay millateriga Ruushku sheegeen Arbacadan.

Wasaaradda Difaaca ayaa beenisey wararka sheegaya inuu jiro khasaare “aan la koobi karin”, iyadoo sheegashadaa ku tilmaantay warar si ula kac ah uga soo baxaya cadowga, sida ay tiri.

Sida laga soo xigtey qiyaasaha Ciidamada Ruushka, cutubyada ciidamada Ukraine iyo kuwa midigta fog ayaa lagu soo waramayaa in ay waayeen ugu yaraan 2,870 askari, halka 3,700 oo kale ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan. Ilaa 572 askari oo Yukreeniyaan ah ayaa maxaabiis ahaan loo qabtay, sida wasaaraddu sheegtay.

Cutubyada Ruushka ah ee ku lugta lahaa weerarka ayaa waxay ka kooban yihiin oo keliya askar xirfadlayaal ah, ayaa lagu sheegay warka kasoo baxay isagoo beeniyay eedeymaha sheegaya in ciidanka soo duulay ay u badnaayeen “askar indha baqaaq ah oo iminka la qoray.”

Warbixin Tirooyinka rasmiga ah ee dhimashada ee ay ku dhawaaqday Moscow ayaa aad uga duwan sheegashooyinka Kyiv, oo sheegtay in in ka badan 5,800 oo askarta Ruushka ah ay ku dhinteen dagaalka tan iyo markii duulaanku bilowday.

Hadalsame Media

Facebook Comments