Maraykanka oo Ruushka ugu faanay guul ay gaareen kooxaha uu haatan ”argagixisada” u yaqaanno (Daawo)

0

(Washington, DC) 02 Maarso 2022 Hillary Clinton ayaa howlgalka ciidamada Ruushka ee Ukraine la barbar dhigtay duullaankii fashilmay ee Midowga Soofiyeeti ee 1979-kii ee Afgaanistaan, iyadoo sheegtay in natiijo la mid ah laga yaabo in lagu gaaro in la hubeeyo iska caabinta Kyiv si la mid ah sidii ay Washington u taageertey dagaalyahannada mujaahidiinta ee ka soo horjeedey Ruushka xilligii Dagaalka Qaboobaa.

“Xusuusnow, Ruushku waxay soo galeen Afgaanistaan ​​​​sannadkii 1980-kii,” musharaxii hore ee madaxtinimada Maraykanka iyo Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibedda ayaa Isniintii ku sheegtay wareysi ay siisay hilinka MSNBC.

“Inkasta oo uusan jirin waddan soo gelay dagaalka, haddana waxaa hubaal ah inay jireen dalal badan oo hub iyo talooyin siiya iyo xitaa qaar la-taliyayaal ah oo caawinayey kuwa loo qoray inay la dagaallamaan Ruushka.”ayay tiri.

Sida ay Clinton xustay, Afgaanistaan ​​“si fiican uguma dhammaanin” Midowgii Soofiyeeti, in kasta oo uu maqaamkeeda ahaa awood ciidan oo sare. “Waxaa jiray cawaaqib xumooyin kale oo aan la filayn, sida aan ognahay,” ayay raacisay iyadoo dhoola cadeynaysa – sida muuqatana tixraacaysa xaqiiqda ah in hubaynta Islaamiyiinta xagjirka ahaa ee Afgaanistaan ​​​​ay keentay in kooxdaas oo markii dambe Al-Qaacida isu rogtey ay ka dambeeyeen weerarradii 9/11 ee Maraykanka oo ahaa dalkii sameeyey ee hubeeyey ilaa ay Ruushka ka saaraan Afgaanistaan.

“Barnaamijka “Howlgalka Duufaanta” ee CIA-da waxa uu hub balaayiin doollar ah siiyay dagaalyahannada Islaamiyiinta Afgaanistaan ​​sannadihii 1980-meeyadii. Dhab ahaantii, gargaarka loo fidinayo mujaahidiinta ayaa sii qulqulayey xitaa kaddib markii ciidamadii Soofiyeetigu ay dhameystireen ka bixitaankoodii dalkaasi 1989-kii, iyagoo markii dambena ka caawinayay muqaawamada inay la dagaallamaan Ciidamada Dowladda Afgaanistaan oo ay la galeen ​​dagaal sokeeye.

Hadalsame Media