Ciidamo ay Ukraine geeri ku xisaabtay oo billado loo diyaariyey oo warkoodu soo dhacay

0

(Hadalsame) 02 Maarso 2022 – Ciidamadda badda ee Ukraine ayaa sheegay inay nool yihiin 13 kamid ah ciidammada dalkaas oo horraan la sheegay in la dilay xilli ay difaacayeen jasiirada Zmiinyi ama Jasiiradda ‘Maska’ maalintii ugu horreysay ee duulaanka Ruushka.

Kadib markii ciidamada Ruushka ay qabsadeen jasiiradda, madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky wuxuu horraan sheegay in ciidamadan difaacyay jasiiradda ‘Maska’ ee la dilay la siin doono biladda la siiyo dadka halyeeyada ah.

Kadib markii uu si weyn u baahay codka laga soo duubay ciidamadii Ukraine ee ku sugnaa jasiiradda ‘Maska’, shacabka Ukraine ayaa si weyn u hadal hayaa arrintani, waxay dadka xusayeen ciidamada Ukraine uga dhintay halkaas iyagoo soo dhigayay sawirradooda.

Madaxweyne Volodymyr Zelensky wuxuu xilligas sheegay in ilaaladii jasiiradda ‘Maska’ ay inta tabartooda ah si geesinimo leh u difaaceen jasiiradda.

Ruushka wuxuu xilliggaas sheegay in ciidamadii Ukraine ee ku sugnaa jasiiradda ay isa soo dhiibeen.

Qoraal ay ciidamadda badda Ukraine soo dhigeen barta Facebook ayaa lagu yiri, “Walaalaheenii hubeysnaa wey nool yihiin, xaaladdooda wey wanaagsan tahay”

Ciidamada Ilaalada xuduudaha iyo kuwa badda ee jasiiradda “laba jeer ayay si geesinimo leh isaga caabiyeen weerarrada gumeysiga Ruushka” laakiin ma aysan awoodin inay sii wadaan dagaalka sababtoo ah waxaa ka dhammaatay rasaastii,” ayaa lagu yiri war qoraal oo kasoo baxay ciidamada.

Ciidamada Ukraine waxay hadalkooda sii raaciyeen “Ruushka wuxuu gebi ahaanba burburiya dhammaan kaabayaasha magaalada, sida waddooyinka, anteenooyinka isgaarsiinta”

‘Si iskood ah ayay isku dhiibeen’

Ciidamada badda ee Ukraine ayaa ku eedeeyay ciidamada Ruushka inay si sharci darro ah u xireen shaqaalihii la socday markab dad rayid ah siday kuwaas loo diray in gurmad banii’aadnimo ay halkaa kasoo fuliyaan, waxay sidoo kale xireen labo wadaad oo markabkaa saarnaa kadib weerarka.

“Qabashada sharci darrada ah ee lagu haysto markab siday dad rayid ah oo aan dagaal ku jirin oo aan fulin wax howlgal ah waa arrin xadgudub ku ah xeerarka iyo sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada,” ayay ka digeen ciidamada Ukraine.

Afhayeen u hadlay wasaaradda gaashaandhigga ee Ruushka ayaa shacaiyay Jimcihii in 82 askari oo u dhashay Ukraine ay “hubkooda dhigeen oo ay si iskood ah isu soo dhiibeen” Jaziiradda Zmiinyi, isagoo aan carabka ku dhufan in markabka dagaal ee Ruushku uu geystay wax weerar ah ama khasaare.

Waxa uu sheegay in maxaabiista laga codsanayo inay saxiixaan ballan-qaad ah inaysan ka qayb-qaadan wax dagaal ah, “in mustaqbalka dhow ay dib ula midoobi doonaan qoysaskooda”.

Jasiiradda ‘Maska’ waxay ku taallaa meel aan ka fogayn Danube Delta, oo ah aag qani ku ah kaydka saliidda iyo gaaska.

Wuxuu dhulkeeda ku fadhiyay 0.2km oo isku wareeg ah, waxaa ku taallaa tuulada Beloe halkaas oo ay ku noolaayeen ilaalada xuduudaha Ukraine.

Sannadkii 2009-kii, Jasiiradda ‘Maska’ ama Snake Island waxay xuddun u ahayd muran soohdin badeed oo u dhexeeyay Romania iyo Ukraine – taas oo labada dhinacba khilaafka ay xaliyeen ka dib markii ay dacwad geeyeen Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee Hague.

Isha: BBC Somali

Hadalsame Media