Warbaahinta Galbeedka oo xitaa hakisay aflaamta lagu jilo Ruushka (Netflix oo tillaabo qaadday)

0

(Moscow) 01 Maarso 2022 – Camaaliqooyinka madadaalada ee Disney, Warner Bros iyo Sony ayaa ballanqaaday inay hakinayaan baahinta aflaamta lagu dhigay tiyaatarrada iyo gudaha Ruushka, iyagoo sheegay inay sidaa u yeelayaan wax ay ku sheegeen “duullaan gardarro ah” oo ay Moscow ku qaadday Ukraine.

Shirkadda ay leedahay Walt Disney Company ayaa go’aanka ku dhawaaqday shalaytoole, waxaana aflaamta la hakinayo ka mid ah midka soo socda ee Turning Red oo ay isla soo saarayeen Walt Disney Pictures iyo Pixar. Disney ayaa sidoo kale ballanqaaday kaalmo aadminnimo.

Warner Bros ayaa iyaduna qaadday tillaabo la mid ah “iyadoo qiil ka dhigatay xasaradda aadminnimo ee Ukraine,” waloow ay iyadu xayiraadda ku koobtay film-ka soo socda ee ‘The Batman’ oo qura.

Sony ayaa noqday istuudiyihii ugu dambeeyey ee ka baxa suuqa Ruushka iyadoo uu afhayeen u hadlay shegay inay hakinayaan aflaamtii kasoo bixi lahayd dhanka Ruushka, iyadoo ay markii dambe uu bayaan guud kasoo baxay Jamciyadda Muuqaallada Socda ee Motion Picture Association oo ay ku jiraan shirkadaha ugu waawan ee aflaamta soo saara, taasoo “cambaaraysay duullaanka Ruushka ee Ukraine.”

Netflix ayaa iyaduna ku dhawaaqday inay liiskeeda ka saarayso hilinnada Ruushka ah ee xiriirka dhow la leh ama dacaayadda u faafiya nidaamka Kremlin.

Hadalsame Media