Dalxiisayaasha Ruushka oo dibedda ku go’doonsan & 2 dal oo Muslim ah oo weli u furan

0

(Moscow) 01 Maarso 2022 – Kumannaan musaafur oo dalxiixayaal u badan oo Ruushan ah ayaa dunida ku go’doonsan gaar ahaan dalalka Midowga Yurub, Maraykanka iyo Canada oo hawooyinkooda ka xirtey diyaaradaha u socda Ruushka ama ka imanaya kaddib weerarkii Ruushka ee Ukraine.

Dadkan ayaa kor u dhaafaya 27,000 oo qof ayaa daadsan min Yurub, Bartamaha Ameerika (Caribbean), Maraykanka, Canada iyo meelo kale, sida ay sheegtay Jamciyadda Musaafuriinta Ruushka.

Ilaa 200 oo dalxiise ayaa sidoo kale ku xanniban gasiiradda Madeira, oo ku taalla Portugal gaar ahaan Galbeedka Badda Atlantic. Axaddii ayaa duullimaad deg deg ah oo la doonayey inuu soo qaado hawada laga celiyey isagoo ku noqday Moscow.

Waxaa adag sida dadkan lagu gayn karo Ruushka, iyadoo ay haatan Aeroflot, oo ah calan-sidaha Ruushku ay sidoo kale hakisay duullimaadyadii qaaradaha u kala gooshayey gaar ahaan dhanka magaalooyinka Maraykanka sida New York, Washington, Miami, Los Angeles, iyo Cancun, oo ku taalla Mexico, sida ay Ruushku sheegeen.

Masar iyo Turkey, oo ah laba dal oo Muslim ah kana mid ah kuwa dalxiiska loo tago oo ay joogaan dalxiisayaal badan oo Ruushan ah ayaase weli u furan dadka Ruushka ah, sida ay sheegtay Zarina Doguzova, oo ah sarkaalad sare oo ka shaqaysa dalxiiska Ruushka.

Hadalsame Media