Ciidanka Cirka Ukraine oo helaya 70 miig & halka ay saldhiganayaan (Maxaa ka jira in hal duuliye soo ridey 6 miig oo Ruush ah?)

0

(Hadalsame) 01 Maarso 2022 – Ilaa 3 dal oo NATO ah ayaa Ukraine siinaya 70 miig, sida ay sheegeen saraakiil sare oo u hadlay Ciidanka Ukraine.

Sida ku cad bayaan ay ku baahiyeen Facebook, dalalka Poland, Bulgaria, iyo Slovakia ayaa Ukraine siinaya wax ka badan 70 dayuuradood oo ka kooban MiG-29 iyo SU-25 kuwaasoo saldhig ka dhigan doona Poland.

16 MiG-29 iyo 14 SU-25 waxaa bixinaysa Bulgaria. Poland waxay diraysaa 28 MiG-29, halka Slovakia ay ku yaboohayso 12 MiG-29..

“Waxay saaxiibadeen na siinayaan dayuuradaha MiG-29 iyo SU-25! Haddii loo baahdo waxaa saldhig looga dhigayaa saldhig-cireedyads Poland halkaasoo ay duullaanno kasoo qaadi karaan duulliyeyaasha Ukraine. Waxaa jiri doona ”rooxaan badan oo Kiev leedahay.” ayaa lagu yiri bayaanka.

Waxaa loo yaqaan ‘Ghost of Kiev’ ayaa aad looga hadal hayaa dalkaasi kaddib markii uu duuliye reer Ukraine ihi uu kaligii soo ridey 6 miig oo Ruush ah.”

Yeelkeede, markii la baaray muuqaalka muujinaya dayuuraddaas ‘rooxaanta’ lagu sheegay waxay noqotay ciyaar gacmeedka ah nooca ‘Digital Combat Simulator’.

Hadalsame Media