”Ma idin jiidaa ilaa Moscow?!” – Ruushka oo Ukraine kala kulmay arrin aanu kusii talagelin (2 Arrimood oo ugu daran)

0

(Hadalsame) 28 Feb 2022 – Madaxii hore ee Sirdoonka Caalamiga ah ee Maraykanka ee CIA ayaa sheegay in ciidamada Ruushku ku “kala jiidmeen” dagaalka Ukraine iyagoo aad ugu liita dhanka isgaarsiinta sahayda ciidamada, taasoo wiiqaysa awooddii ay “ku muquunin lahaayeen” Ukraine.

“Russia waa kala jiidey,” ayuu sharraxaadda ku bilaabay Daniel Hoffman oo waraysi siinayey hilinka muxaafidka ah ee Fox News.

“Vladimir Putin wuxuu qaatay halis, wuxuuna la xaalayaa ciidamo haysta sahay aan kala go’ lahayn halka aysan ciidamadiisu heli karin saanadda ay u baahan yihiin, taasoo saamayn xun ku yeelatay niyadda ciidamadiisa iyo dhaqaaqooda farsamo. Waxaa dheer in Ukraine ay leedahay webiyo fara badan oo waawayn oo ay adag tahay in la jaro haddii buundooyinka la gooyo iyo magaalooyi ballaaran oo ay adag tahay in sahal lagu qabto.” ayuu raaciyey.

Warka Hoffman ayaa imanaya xilli ay soo baxayaan muuqaallo badan oo tusaya ciidamada Ruushka oo lala eegtay weerarro ku dhufoo ka dhaqaaq ah amaba xitaa gaadiidkooda jidka la taagan kaddib markii uu shidaalkii ka go’ay.

Mid ka mid ah wuxuu ahaa taangi jidka ku shidaal goostay waxaana ag istaagey nin Ukrainian ah oo waydiiyey waxa ku dhacay iyaguna u sheegayaan inuu shidaalkii ka dhamaaday, balse wuxuu isagu ugu jawaabayaa ”ma idin jiidaa oo Ruushka ma idinku celiyaa?!”

Hadalsame Media