Ruushka oo heegan dagaal geliyey hubka nukliyeerka (Tillaabadan oo ka dhow tii shalay ayaa keenaysa in 5 senaariyo laga cabsado)

0

(Moscow) 28 Feb 2022 – Ciidamada Dhulka Ruushka ee ku hubaysan gantaalaha qaaradaha gaara ee baalistigga ee nukliyeerka xambaara iyo raxamaha badda ee woqooyi iyo kuwa Badda Deggan ayaa la geliyey “heegan dagaal”, sida kasoo baxday Wasaaradda Gaashaandhigga.

Wasaaradda ayaa sheegtay in tillaabadan loo qaaday iyadoo la fulinayo amar kasoo baxay MW Vladimir Putin.

Ruushka oo Axaddii shalay ku dhawaaway “heegan sare” kaddib markii uu sheegay inuu dhibsaday “cunaqabatayn sharci darro ah iyo erayo xanaf leh oo hujuumi ah oo ka yimid dalalka waawayn ee NATO” ayay tani ka dhigan tahay tillaabo dagaal gelin uga dhow heegankii shalay.

Marka heerkan guulguulka nukliyeerku soo gaaro waxaa bilaabanta in 5 senaariyo laga cabsado:

  • In lagu raadiyo gacan sare oo istaraatiji ah
  • In lagu kiciyo xaaladda si loo cabsiiyo cadowga lidka ah oo uu u jilco (falax goodin)
  • In la isticmaalo marka dookh kale laga quusto
  • In looga jawaabo gantaalo soo socda oo lagu khaldayo inay yihiin nukliyeer
  • In qaab shil ah uu u bilowdo dagaal nukliyeer haddii ay wax ka khaldamaan taliska dhexe ee nukliyeerka.

Hadalsame Media