MW Somaliland oo si aan lagu qancin uga hadlay arrin uu ka aamusan yahay MW Farmaajo

0

(Hargaysa) 28 Feb 2022 – MW Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa mar uu soo hadal qaaday abaarta ku dhufatay dhulka Soomaalida iyo guud ahaan Geeska wuxuu u muuqday nin yaraysanaya dhibkeeda.

“Arinta abaaraha inagu waxaynu ku ladanahay daaqii xoolaha ayaynu wali haysanaa, dad badani siday wax u sheegayaan wax uma jiraan. Waxaad maqlaysaa iyadoo la leeyahay dad baa u dhintay abaarta hadana beenoobaysa.” ayuu ku dooday Madaxweynaha Somaliland.

Yeelkeede, Somalia oo ay abaaruhu kusoo noqnoqdaan ayaa muddo aan 10 sano sidaa uga badnayn maraysa 3 abaarood oo waawayn kuwaasoo dhacay fasalladii 2011/12, 2016/2017, iyo hadda 2021/22, sida ay sheegtay Save The Children.

Waxay Save the Children qiimaysay bishii Nofeemar 2021, in 15 ka mid ah 18ka gobol ee Somalia aysan qoysasku 3 waqti cunto heli karin qaarkoodna ayba qadaan iyadoo ay ku dhufatay abaartii ugu darnayd muddo dheer, taasoo sababaysa geeri.

Madaxda Somalia oo uu ugu horreeyo MW xilku ka dhamaaday ee DF Somalia ayaan wax kahortag iyo kadabatag micne leh ka samaynin abaartan oo aysan xitaa kaba hadlin.

 

Hadalsame Media