Kyiv oo uu dagaal culusi ka socdo xilli wefdi wadahadal oo ka socda Ukraine uu gaarey xadka Belarus

0

(Hadalsame) 28 Feb 2022 – Wefdiga reer Ukraine ee wada hadalka la gelaya Ruushka ayaa gaarey Gobolka Gomel oo dhaca xadka Ukraine-Belarus kaddib markii ay diideen caasimadda dalkaasi ee Minsk, sida kasoo baxday xafiiska MW Zelenskyy.

Wefdiga ay Kyiv dirtay ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Gaashaandhigga Ukraine ee Oleksii Reznikov iyo La Taliyaha MW dalkaasi, Mykhailo Podolyak iyo saraakiil kale.

Waxaa ugu muhiimsan ajendaha ay wataan in “xabadda dhaqse loo joojiuo iyo in Ciidamada Ruushku ka baxaan Ukraine”, balse sida uu qabo wakiil wareedka Al Jazeera ee Jonah Hull, oo ku sugan Lviv, oo ah galbeedka Ukraine, uma eka in Moscow “ay shuruudahaa aqbalayso mana muujin ishaarooyin noocaas ah.”

Caqabadaha ugu darani waa aqoonsigii hordhaca ahaa ee ay siisay wax ay ku sheegtay Donetsk People’s Republic (DPR) iyo Luhansk People’s Republic (LPR), kuwaasoo raacaya gobolka jasiirad u ekaha ah ee Criema oo ay toos dalkooda ugu darsadeen 2014, waana arrimaha shidaya tabashada Ukraine oo cadaalad darro ka tabanaya Ruushka.

Wararkii ugu dambeeyey dagaalka Ukraine:

  • MW Volodymyr Zelenskyy ayaa ku baaqay in 24 saacadood ee soo aaddani ay “muhim” u yihiin dalka Ukraine.
  • Ciidamada Ukraine ayaa sheegaya inay xakameeyeen tillaabadii ay ku socdeen weerarrada Ruushku.
  • Geerida rayidka ayaa haatan maraysa 352, oo ay ku jiraan 14 carruur ihi, sida ay sheegayso Wasaaradda Caafimaadka Ukraine.
  • Ciidamada Ruushka iyo Ukraine ayaa weli isku hor fadhiya caasimadda Kyiv oo uu Ruushku kala kulmay caasimadda Ruushka oo aan u sahlanaanin sidii ay filayeen.


Hadalsame Media