”Geeridu dad gaar ah ayay ku roon tahay!” – Imisa hilin ayaa si cunsuriyadaysan usoo tebiyey dagaalka Ukraine min CBS, MBC, BBC, Telegraph ilaa Aljazeera (Daawo yaabkan)

0

(Hadalsame) 28 Feb 2022 – Duullaanka Ruushku ku qaaday dalka Ukraine ayaa soo jiitey indhaha warbaahinta caalamka guud ahaan, gaar ahaan midda reer Galbeedka oo aad u qaadaa dhigaysa.

Yeelkeede, warbaahinta Galbeedka qaar badan oo weliba kuwii ugu caansanaa ka mid ah ayaa la gabban waayey oo si cad u tebiyey barnaamijyo ay cunsuriyadi ka tifqayso.

“Waxay u muuqdaan sida annaga. Taasoo ah midda ugu naxdinta badan,” ayuu qoray siyaasigii hore ee muxaafidka oo haatan weriye ah Daniel Hannan isagoo warkaa ku qoray Telegraph Axaddii.

“Ukraine waa dal Yurubiyaan ah. Dadkoodu waxay daawadaan Netflix waxayna leeyihiin koontooyin Instagram ah, waxay ka codeeyaan doorashooyin xor ah iyagoo aqrista joornaallo aan la faafreebin. Dagaalku hadda kaddib ma aha wax ku dhaca dunida faqriga ah iyo dadyowga. Cid kasta ayuu ku dhici karaa.” ayuu raaciyey.

Jimcihii, weriyaha ruug-cadaaga ah ee CBS, Charlie D’Agata, ayaa Kyiv ka sheegay in “halkani aanay ahayn meel la mid ah, anigoo ixtiraamna muujinaya, sida Ciraaq ama Afgaanistaan oo soo arkay colaado socday tobannaan sano.

“Tani waa meel ilbax ah marka loo eego, oo reer Yurub ah – waa inaan si taxadar leh u doortaa erayadaas, sidoo kale – waana magaalo aadan ka fileyn taas, ama aadan rajaynayn inay dhici doonto.”

Markii dambe wuu ka cudur daartay.

Werisada NBC News ee Kelly Cobiella ayaa iyana biyo kulul ku dhacday kaddib markii ay si cad iyadoo toos ah u tiri: “dadkani ma aha qaxooti ka yimid Suuriya, waa qaxoot ka yimid Ukraine… Waa Masiixi, waa caddaan, aad bayna noogu egyihiin.”

Waxaa ka darnaa hilinka Faransiiska ah ee BFMTV oo uu mid falanqeeye ihi Jimcihii ka yiri: “Ka hadli mayno qaxooti Suuriyaan ah oo kasoo cararaya talis uu taageerayo Putin, waxaan ka hadlaynaa dad reer Yurub ah oo annaga noo eg oo gawaari ku baxsanaya si ay naftooda u badbaadiyaan”.

“Waxaan joognaa Qarniga 21-aad, waxaan nahay magaalo reer Yurub oo lala dhacayo gantaalo kuruus ah sida in aan joogno Ciraaq ama Afghanistan, ma qiyaasi kartaa?” ayuu mid faallo bixiyey hilinka waydiiyey isagoo is dhigaya nin yaabban.

Jean-Louis Bourlanges, oo ka tirsan Baarlamanka Faransiiska, ayaa qaxootiga Ukraine ku tilmaamay “soo galooti tayo sare leh, oo aqoonyahanno ah”.

Dhanka kale, tan ugu darani waa weriye ka tirsan Al Jazeera English, oo isaga oo ka hadlaya sida uu arko xaaladda dadka qaxaya wuxuu si furcaddi ah u leeyahay “waxa ugu darani dadkani waxay u lebbisan yihiin sida dad ladan oo dabaqad dhexe ah. Dadkani ma aha qaxooti ka baxsanaya dagaallada Bariga Dhexe ama Woqooyiga Afrika. Waxay u egyihiin qoys kasta oo Yurubiyaan ah oo aad (isu quuri lahayd) inaan la deristo.”

Isla Axaddii shalaytoole, Al Jazeera ayaa qiratay khaladka uu sameeyey war aqriyahan oo ay ku tilmaameen mid sameeyey “isbarbardhig aan cadaalad ahayn iyagoo ku sheegay nin aan dareen, xirfad iyo mas’uuliyad muujin” waana ka cudur daarteen.

Sabtidii, David Sakvarelidze, ku xigeenkii hore ee dacwad oogaha guud ee Ukraine, ayaa la hadlay BBC, ayaa soo jeediyay inay ku adag tahay inuu daawado dad caddaan ah ee ka cararaya colaad.

“Aad ayay ii qiiro galisay sababtoo ah waxaan arkaa dad reer Yurub ah oo indho buluug ah iyo timo cad cad oo biyoonde ah leh oo la dilayo,” ayuu yidhi.

Soo-jeediyaha ayaa ku jawaabay, “Waan fahmayaa oo dabcan ixtiraamayaa dareenka.”

Haka reebin hilinka Britain ee ITV, war diraha u jooga Poland ayaa tiri: “Kani ma aha dal soo koraya oo dunida 3-aad ah. Halkani waa Yurub.”

Dad badan oo baraha bulshada adeegsada ayaa sidoo kale isbarbardhig ku sameeyey sida Falastiin looga diidey in la qaadaco Israel oo laga saaro tartamo caalami ah iyo sida loola deg degey in Ruushka laga mamnuuco tartamo badan, madlo dhaqameed iyo kuwo ganacsi.

Waxaa Isku Duwey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media