”Waxaan iri aaway Asma waxaa la igu yiri baraf ayay ku maqan tahay balse maydkeeda ayaa markaa sariir ku hoos jirey!” – Hooyo gabar ay dhashay…

0

(Muqdisho) 26 Feb 2022 – Gabar yar oo 9-jir ah ayaa waxaa magaalada Muqdisho jirdil nafta uga qaadday isla hooyadii dhashay oo ay kula noolayd Degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Madiino Muude oo gabadha ayeeyo u ah oo ka hadashay falkan naxdinta badan ayaa sheegtay in gadha yar oo lagu magacaabi jirey Asma ay Khamiistii dorraad ahayd guriga ka waydiisey loona sheegay inay baraf ku maqan tahay, balse ay markaas iyada oo mayd ah ku hoos qarsanayd sariir.

Jimcihii shalay 10:00 ayay hooyada wax dhishey oo Deeqo Muxudiin la yiraahdo ay markale wacday hooyo Madiino iyadoo u sheegtay in gabadha shuban ku dhacay oo ay isbitaalka ku dhimatay, balse isbitaalka oo ka shakiyey jugaha iyo googo’a korka maydka gabadha ayaa booliiska ugu wacay.

Nimco Ibraahim Aadan oo wax ka dhaqday maydka gabadha ayaa sheegtay in gabadha uu ka muuqdey jirdil aad u ba’an, iyadoo uu korkeedu googo’ayey oo fiilo lagu garaacay mindhicirkeeduna uu xitaa googo’naa jugaha ku dhacay dartood, sida ay tiri Nimco.

Gabadha ayaa haatan la aasay iyadoo ay hooyadu haatan ku jirto Saldhigga Degmada Wadajir.

Hadalsame Media