Ruushka oo ku gooddiyey tillaabo uu qaadayo haddii ay Galbeedku sii wadaan cunaqabataynta

0

(Moscow) 26 Feb 2022 – Cunaqabataynta reer galbeedka waxay noqon kartaa “sabab aad u wanaagsan iyo dib u eegista ugu dambeysa” ee xiriirka Ruushku uu la leeyahay wadammada soo rogay xayiraadaha, gudoomiye ku xigeenka Golaha Ammaanka ee Ruushka iyo madaxweynihii hore, Dmitry Medvedev, ayaa maanta sidaa sheegay.

Hawlgalka millateri ee Ruushka uu ka bilaabay dalka Ukraine, oo bilowday 24-kii bishan Febraayo, ayaa wuxuu caro ka muujiyay reer Galbeedka, iyo cunaqabateynta cusub oo ka dhanka ah Ruushka.

Qoraal dheer oo uu soo dhigay shabakadda bulshada Ruushka ee VK, ayuu Medvedev ugu yeeray xannibaadaha “khiyaali, khuraafaad, mala-awaal, iyo iska hadal.”

Waxa uu intaa ku daray in mabda’ ahaan, ay suurtagal tahay “in la iska diido wax walba,” oo uu ku jiro New START Treaty. “Haa, xiriirka diblomaasiyadeed, mabda’a ahaan, si gaar ahba looguma baahna. Waa markii safaaradaha lagu xiri lahaa quful wayn iyo in la sii wado xiriirka caalamiga ah iyada oo la isku eegayo doorbinno iyo bikaacyada hubka.” ayuu yiri Medvedev.

Cunaqabataynta EU-da Putin iyo Lavrov isagoo ka hadlaya go’aanka Golaha Yurub iyo Baarlamaanka ee Golaha Yurub ee ku laalay xubinnimadii goobjoognimada Ruushka, madaxweynihii hore wuxuu sheegay in iyada oo tani ay tahay “caddaalad-darro cad,” isagoo hoosta ka xariiqay in isaga iyo qoyskiisuba aysan wax hanti ah ku lahayn dibedda.

Hadalsame Media

Facebook Comments