Turkiga oo jawaab ka bixiyey codsi dhex istaajin kara colaadda Ruushka-Ukraine (Muxuu dhigayaa heshiiska Montreux Convention oo la qoray 86 sano kahor?)

0

(Ankara) 25 Feb 2022 – Turkey ayaa kasoo jawaabey codsi ay shalay u jeedisey Ukraine oo ku saabsan inay maraakiibta dagaalka ee Ruushanka ka xiraan marinnada Bosphorus iyo Dardanelles.

Danjiraha Ukraine u fadhiya Ankara ayaa shalay Turkiga ka codsaday inay maraakiibta dagaalka gaar ahaan Raxanta Badda Madow ay ka xiraan inay u kala gudbaan Black Sea iyo Badda Dhexe ee Mediterranean Sea maadaama ay ku khasban yihiin inay Turkiga dhex maraan.

“Waxaan dalbanaynaa in Ruushka laga xiro marinka Dardanelles oo la cunaqabateeyo.” ayuu yiri Vasyl Bondar.

Wasiir Dibadeedka Turkiga, Mevlut Cavusoglu, oo goor dhowayd hadlayey isagoo ku sugan Kazakhstan ayaa sheegay inuu ka fikirayo codsi rasmi ihi kasoo gaarey Ukraine balse uu jiro heshiis la yiraahdo “Montreux Convention oo ay tibxihiisu cad yihiin” sida uu sheegay Cavusoglu kaasoo dhigaya in ay Turkigu dalalka dagaalsan dhexdooda ama isaga la dagaalsan ka xiri karaan marinkan, balse ay tahay inuu fasaxo haddii ay yihiin maraakiib u noqonaysa saldhigyadooda.

Montreux Convention oo la saxiixay 1936-kii, ayaa Turkey sidoo kale xaq u siinaya inay marinka ka xiraan maraakiibta ganacsiga ee dalalka isaga la dagaalsan. Sidoo kale marka ay laba dal dagaalsan yihiin waa inay Ankara arrintaa horta dagaal rasmi ah u aragtaa si ay labadoodaba uga xirto marinka.

Hadalsame Media