Ruushka & reer Galbeedka kee ayaa Soomaalida taageero ka mudan?!!

0

(Hadalsame) 25 Feb 2022 – Yaabaye ma yaabteen mase warba lama socotaan?

Soomaalida maxaa mar walba ku dira kuwa taageera, maxeyse u jecel yihiin kuwa arrimahooda ka gaabsada oo yiraahda “ha is cuneen ee aan bannaanka ka daawanno”.

Waxaad arki dad badan oo Soomaali ah oo ku faraxsan weerarka uu madaxweynaha Russia Vladamir Putin ku qaaday Ukraine iyo ayagoo dhaleeceynaya USA iyo Reer Galbeedka.

Ma waxey ilowsan yihiin halka malyan iyo ka saa’idka Soomaalida ah ee ku dhaqan wadammada Reer Galbeedka iyo iney in ka badan 40% shacabka Soomaaliyeed ku nool yihiin kaalmada dhaqaale ee ay ka helaan eheladooda ku nool wadammadan?

Sow wax lala yaabo maaha inaad jeyleysato midkii yiri “yaan wasakhdooda la ii soo dhaweyn” isla markaana necbeysato midkii kuu soo gurmaday, ku xambaaray, adiga, caruurtaada iyo eheladaada, kuguna yaboohay degaan, waxbarasho, caafimaad oo weliba kuu suurta geliyay inaad taakuleyso eheladii iyo qaraabadii aad kaga timid dhulkaagii hooyo?

Waa sax oo waa labo gaal ee kee kaa mudan inaad taageerto?

Man lam yashkuru naasa lam yashkurullaaha.

Waxaa Qoray: Cali A. Cosoble

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan oo qura

Hadalsame Media