RASMI: Ruushka oo la kulmay dhirbaaxo uga timid dhanka xiriirka UEFA & FIFA oo tallaabo kale ka qaadi karta

0

(Hadalsame) 25 Feb 2022 – Xiriirka K/cagta Yurub ee UEFA ayaa ku dhawaaqay in dhamaadka Champions League laga soo wareejinayo Ruushka iyadoo lagu qabanayo caasimadda Faransiiska ee Paris, kaddib duullaanka sharci darrada ah ee uu Ruushku ku qaaday Ukraine.

Ciyaartan oo la ciyaari doono 28 Maajo, ayaa waxaa horay loogu asteeyey magaalada St. Petersburg, gaar ahaan garoon loo diyaariyey KA2018 oo ay maalgelisey camaaliqada tamarta ee Gazprom, oo sidoo kale maalgelin iidheh kula jirta UEFA.

Ciyaartan ayaa haatan loo raray gegada Stade de France, oo ku yaalla magaalo dayaha Paris ee Saint-Denis. Waa markii ugu horreeysey ee ay Faransiisku koobkan qabanqaabiyaan tan iyo 2006.

UEFA ayaa sidoo kale meel 3-aad ku qabanaysa dhamaan kulamadii lagu ciyaari lahaa Russia iyo Ukraine, ha ahaadaan kooxo ama xul qaran, waxaana ay saamaynaysaa kooxda  Spartak Moscow oo gurigeeda ku dheeli lahayd kulan ka tirsan Europa League.

Dhaqaaqa UEFA ayaa sidoo kale cadaadis saaraya FIFA oo laga filayo inay wareejiyaan ciyaarta kala baxa ah ee KA2022 oo bisha Maarso lagu dheeli lahaa Moscow.

Xiriirrad Poland, Czech Republic iyo Sweden ayaa qoraal ay u direen FIFA ayaa ku baaqay in Ruushka aan ciyaartaasi lagu dhigin iyadoo ay Poland la dheeli lahayd Ruushka oo ay Moscow ku ballansan yihiin Maarso 24.

Hadalsame Media