“Inta wada hadal nagu ballamiyeen ayay misna dhuunteen!” – Ruushka oo dhaliilay tillaabo kale oo ay qaadday Ukraine

0

(Moscow) 25 Feb 2022 – Ukraine ayaa ogolaatay inay la xaajooto Ruushka iyadoo dalbatay in lagu wada hadlo caasimadda Poland kaddibna “dhuuntay” iyagoo hub culus soo dhigay xaafadaha dhexdooda, sida uu Ruushku sheegay.

MW Volodymyr Zelensky ayaa horay u sheegay inuu doonayo inuu la xaajoodo Ruushka si duullaanka loo joojiyo iyadoo uu Ruushku sheegay shuruudo ay ka mid tahay inay hubka iska dhigaan.

“Dhinaca Ukraine waxay sheegeen inay ka noqdeen shirkii Minsk, oo waxay doorteen Warsaw, kaddibna waa la waayey,” ayuu yiri afhayeenka Kremlin ee Dmitry Peskov.

Peskov ayaa tilmaamay in halkii wada hadal laga sugayey ay Ukraine hub soo dhigtay xaafadaha dhexdooda, iyagoo sheegay in Ruush ahaan aysan doonayn in ay rayidka waxyeelleeyaan, taasoo ay “masuuliyad darro” ku sheegtay Maria Zakharova oo ah afhayeenka WaD Ruushka.

Tan kale, in Warsaw lagu wada hadlo caqabad baa hor taalla waayo Poland waxay maanta Ruushka ka xiratey hawadeeda.

Hadalsame Media