Arrin aan lagu baraarugsanayn oo ka dhex muuqata xiriirka MW Farmaajo & Afwerk

0

(Hadalsame) 25 Feb 2022 – Waxyaabaha loo cuskan karo in Farmaajo uusan dan Qaran waligii ka shaqeyn intii uu xukunka joogay waxaa kow ka ah saaxibtinnimada qudbo-sirada ah ee kala dhaxeysa kaligii taliyaha Eratariya.

Farmaajo iyo Afwerk waa saaxiibbo laakiin Soomaaliya iyo Eriterea saaxibo maahan waayo labada ninba iskuma mashquulin inay falaan jidka diblomaasiyada ee ay caadiyan dalalku xiriirkooda u maraan.

Maanta Soomaaliya safaarad kuma laha magaalada Asmara. Sidoo kalena Eriterea safaarad kuma laha Muqdisho. taas oo muujineysa in saaxibtinimada labada kaligoodtaliye ay ku qotonto kaliya dano gaar ah.

Eriterea iyada jaaliyad kama joogto Soomaaliya, ciidamana kama joogaan sidaas darteed iyadu hadda baahi weyn uma qabto safaarad ama ergo diblomaasiyadeed oo Muqdisho u joogta laakiin Soomaaliya way isaga baahnaan kartaa ergo ka joogta Asmara xilligan oo ay halkaas nooga maqanyihiin kumanaan dhalinyaro ah oo si dhagar ah halkaas lagu geeyey.

Farmaajo kaddib, dowladda isaga baddaleysa caqabadaha hor imaan doona waxaa ugu horreeya sidii ay u furdaamin lahayd xaaladda dhallinyarada madaxfurashada lacageed loogu heysto Eriterea.

Tan ugu daran ayaana ah sidii ay ula xiriiri lahayd dowladda Asmara oo aan Muqdisho la lahayn xiriir diblomaasi ah oo gaarsiisan heer safiir ama xataa qunsul.

Soomaaliya ayaa ku qasbanaan doonta inay gacan saddaxaad u marto xiriir la sameynta Afwerk si dhallinyaradaas la heysto looga soo furto.

Ma aqaan midka uu noqon doono waxaanse isleeyahay Qatar ama Emirate midkood ayaan laga fursan doonin, si ay ugu yaraan nooga bixiyaan lacagta madaxfurashada ah ee dhallinyaradaas loo heysto taas oo la rumeysanyahay inay malaayiin dollar tahay.

Bixinta lacagtii Asmara lagula heshiiyey ayaa la aaminsanyahay inay iska diidday dowladda Qatar oo qorshahaan qarsoodiga ahaa marki hore kula jirtay Farmaajo, Fahad iyo Afwerk ase dib uga guratay ka dib markii ay bannaanka timid sirtii qarsooneyd.

Qore: Qaasim Neero

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media