“Way iska kaaya difaaci waayeen!” – Ciidanka Ruushka oo goor dhowayd ka gudbey xadka Ukraine & arrin ay sameeyeen

0

(Moscow) 24 Feb 2022 – Ruushka ayaa wiiqay awoodda difaac cireed ee Ukraine kaddib markii lagu qaaday dhowr weerar oo xiriir ah, sida ay sheegayso Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushku kaddib markii dhabbayaasha garoomada diyaaradaha Ukraine ay ruxeen qaraxyo waawayn.

Saraakiisha ciidamada Ruushka ayaa sheegay in Ciidamada Xuduudaha Ukraine ay u taag waayeen inay iska difaacaan Ciidamada Ruushka ee gelaya xadka dalkaasi kaddib markii uu sidaa amray MW Vladimir Putin oo sheegay in “howlgal gaar ah” laga fulinayo Gobolka Donbas.

Ruushka ayaa sheegay in ay waxyeelleeyeen kaabayaasha Ciidamada Xoogga Ukraine kaddib weerar ay saaka ku galeen bariga dalkaasi.

Hoggaanka Ruushka oo la fahamsan yahay inay sidoo kale weerar danabeed dhanka internet-ka ah amreen ayaa ku doodaya inay Naasiga ka badbaadinayaan wax ay ku sheegeen jamhuuriyadaha Donetsk iyo Lugansk oo ay Moscow aqoonsatay Isniintii.

Hadalsame Media