Tillaabo markiiba faylaha goynaysa dhaqaalaha Ruushka oo ay isku khilaafsan yihiin reer Galbeedku (2 dal oo ugu daran)

0

(Hadalsame) 24 Feb 2022 – Dalalka Galbeedka ayaa isku khilaafsan in Ruushka laga jaro adeegga SWIFT oo asaasi u ah lacagaha koontooyinka la iskugu diro.

Arrintan ayaa markiiba jug wayn oo maaliyadeed gaarsiinaysa maadaama uu qaabkan ku helo faa’iidooyinka uu ka helo khayraadkiisa dabiiciga ah sida gaaska oo dakhligiisa ka ah 40%.

Hannaanka SWIFT oo saldhigta Belgium, islamarkaana ayay adeegsadaan in ka badan 11,000 oo hay’adood oo kuwa maaliyadda ah oo ku kala firirsan 200 iyo geyi oo lacagaha iskugu dira.

Wasaarad Dibadeedka Ukraine ayaa ku baaqday in Ruushka laga saaro hannaanka  SWIFT waxaana taageeray Czech Republic iyo UK, balse waxaa diiddan Jarmanka iyadoo uu MW Maraykanka ee Joe Biden uu Yurub ku dhaliilay mowqif midaysan la’aanta.

Haddii Ruushka laga tuuro hannaankan waxay markiiba fayla goynaysaa dhaqaalihiisa, balse waxay sidoo kale dhaawacaysaa bangiyada galbeedka ee lacagaha amaahiya oo aan dib u heli doonin lacagtooda waxaana ugu daran kuwa Maraykanka iyo Jarmanka oo ugu badan kuwa SWIFT wax ugu dira Ruushanka, sida ay sheegayso Maria Shagina oo ka tirsan Carnegie Moscow Center.

Hadalsame Media