Ruushka oo soo bandhigay 3 shuruudood oo xanuun badan oo laga doonayo Ukraine xitaa haddii ay is dhiibto

0

(Moscow) 24 Feb 2022 – Moscow ayaa sheegtay inay ogoshahay inay la xaajooto nidaamka Kiev waase shuruudo xanuun badan, sida uu sheegay Afhayeenka  Kremlin er Dmitry Peskov.

Peskov ayaa sheegay in MW Vladimir Putin uu muujiyey inuu diyaar u yahay la xaajoodka dhiggiisa Ukraine, haddii ay ogolaadaan inay qaataan maqaam dhigaya inay dhexdhexaad ahaadaan islamarkaana ay aqbalaan inay hubka dhigaan dalkoodana aan la keenin hub.

Peskov ayaa xusay in shuruudahaasi ay ugu muhiimsan yihiin qorshaha hub ka dhigista iyo Naasi ka sifaynta Ukraine oo ay Moscow ku tilmaantay mid halis ku noqotay ammaanka qowmiga iyo midka dalkooda.

Ruushka ayaa horayba u dalbanayey in aan Ukraine lagu darin NATO, taasoo ay ka diideen dalalka Galbeedku.

Hadalsame Media