Milkiilaha Chelsea oo la doonayo in kooxda laga wareejiyo (£300milyan oo uu maanta kaliya khasaaray)

0

(London) 24 Feb 2022 – Milkiilaha Chelsea FC ee Roman Abramovich ayaa waloow aanu ku jirin oligarchs-ka Ruushka ee cunaqabataynta tooska ah ee maaliyadeed la saaray misna durba maanta oo qura khasaaray £300milyan oo gini.

Bilyaneerkan ayaa maanta dokumentiyo dadwaynaha loo dusiyey waxaa ku xusnaa inuu xiriir dhow la leeyahay MW Vladimir Putin iyo inuu qayb ka yahay musuq baahsan iyo takrifal maaliyadeed.

Sii daynta waraaqahan oo kasoo baxay Home Office-ka ayaa horseeday in ay xildhibaanno ku baaqaan in laga qaado milkiyadda kooxda reer London ee Chelsea.

Md Abramovich ayaa sidoo kale ka mid ah saamilayda ugu waawayn ee Evraz iyadoo la sheegayo in saamigiisu sameeyey khasaare dhan 30%, taasoo gaaraysa ku dhowaad £300 milyan oo gini.

Bilyaneerkan oo aan muddo bilo ahba lagu arag guriga kooxda Premier League ee koonfur galbeed  London ee Stamford Bridge.

Hadalsame Media