Daawo sida ay ciidamada Ruushku u weerareen saldhig u dhow Kiev & inta meelood ee ay kasoo galeen Ukraine oo faahfaahsan

0

(Kiev) 24 Feb 2022 – Ciidamada Ruushka ayaa weerar ba’an ku ekeeyey saldhig-cireed ku yaalla Hostomel oo aad ugu dhow caasimadda Ukraine ee Kyiv.

Waxaa lasoo bandhigay muuqaallo muujinaya dayuuradaha Ruushka ee qumaatiga u duula ee Ka-52 iyo Mi8 oo iyaga oo raxan ah duqaynaya Garoonka Ciidamada Cirka ee  Antonov.

Halkan hoose ka daawo sida loo weeraray garoonka…

 

Weerarkan oo ka yimid jihada woqooyi ayaa u muuqda mid ku wajahan caasimadda Kyiv oo barigeeda si daran loo duqeeyey.

Meelaha ilaa haatan uu weeraray Ruushka oo adeegsadey 160 gantaal sida uu Maraykanku sheegay, kuwaasoo diley ugu yaraan 57 qofood oo reer Ukraine ah oo askar u badan.

1. Waxay kasoo kicitimeen dhanka Belarus gaar ahaan Senkivka

2. Laba cutub ayaa u ruqaabsaday dhanka  Chernihiv

3. Sarkaal Ukrainian ah ayaa sheegay inay Ruushku qabsadeen wershadda nukliyeerka Chernobyl

4. Dagaal ba’an ayaa ka dhacay saldhig-cireedka ku yaalla Hostomel

5. Ciidamo ayaa ku wajahan Kharkiv oo la duqeeyey

6. Dagaal ayaa laga soo sheegayaa agagaarka Shchastya

7. Gawaari millateri oo Ruush ah ayaa kasoo tillaabay gobolka Ukraine horay looga xoogey ee Crimea

8. Duullaanka kasoo bilaabmay Crimea ayaa gaarey webiga Dnieper River

9. Ciidamo kale oo kasoo dhaqaaqay Crimea ayaa ku wajahan Melitopol

10. Saldhigga Ciidamada Badda ee Ukraine ee Ochakiv oo la weeraray.

11. Ugu yaraan 18 qof ayaa ku dhintay weerarro gantaal 

Hadalsame Media