”Waxba idiinma qaban karno hadda!” – Reer Galbeedka oo dayro aysan filayn kala kulmay Qadar

0

(Dooxa) 23 Feb 2022 – Qadar ayaa sheegtay in iyada iyo dal kasta oo ka mid ah dalalka kale ee soo saara gaaska dabiiciga ah midkoodna aanu awood u lahayn inuu Yurub siiyo saanad gaas ah oo ay uga maaranto midka Ruushka.

Dalalka Yurub ayaa aad ugu tiirsan gaaska dareeraha laga dhigay ee dabiiciga ah (LNG) iyadoo haddii ay dhacdo inuu carqaladeeyo khilaafka u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine, aysan jirin saanad ku bedeli karta muddo gaaban, sida uu Wasiirka Tamarta Qadar uu sheegay Reuters.

Wasiirka oo ka hadlayey shirka dalalka soo saara gaaska dabiiciga ah ee ku kulunsan Qadar, ayaa waxaa uu sharraxay in mugga Qadar uu haatan ku xiran yahay qandaraasyo waqti dheer ah oo u badan dalal Aasiya ah, iyadoo cadadka mugga loo leexsan karo ee Yurub aanu ka badnayn 10-15%, sida uu sheegay Sacad Al-Kaabi.

Hadalka Al-Kaabi ayaa soo cusboonaysiiyay walaaca laga qabo ammaanka Yurub ee saadka gaaska xilli shalay ay cirka isku sii shareertay xiisadda u dhaxeysa Ruushka iyo Ukraine kaddib markii Moscow ay amar ku bixisay in ciidamo loo diro labo gobol oo ka go’ay bariga Ukraine.

“Ruushka [wuxuu bixiyaa] waxaan u maleynayaa 30-40% sahayda gaaska Yurub. Ma jiro hal waddan oo bedeli kara mugga noocaas ah, ma jirto awood uu ku sameeyn karo LNG xaddigaa leh,” Al-Kaabi ayaa u sidaa u sheegay suxufiyiinta shirka gaaska ee Dooxa.

“Inta badan LNG waxay ku xiran tahay qandaraasyo waqti dheer ah. Markaa, in muddo gaaban lagu beddelo mugga xaddigaa dhan waa wax aan macquul ahayn.” ayuu ku dooday.

Hadalsame Media