Maxaad ka taqaan ciidamada lagu naanayso ”Guutada Soomaalida” ee bariga Ukraine?!

0

(Hadalsame) 23 Feb 2022 – Waxaa sare u kacday xiisadda ka dhex taagan Ukraine iyo Ruushka iyadoo madaxweyne Putin uu dhawaan amar ku siiyay inay galaan ciidamadiisa labo gobol oo ka go’ay Ukraine oo heystaan kooxaha gooni u goosadka ee uu Ruushku taageero.

Ruushku wuxuu sheegay in aan ciidmada wali la daabulin laakiin ay noqon doonaan kuwa nabad ilaalin u jooga labada gobol oo ay kaabayeen ilaa 2014 kii.

Maraykanka wuxuu ku eedeeyay Ruushka in uu abuurayo dagaal, tallaabadaas kadib dalalka reer galbeedka waxay cunaqabateyn kusoo rogeen Ruushka.

Waxaa laga cabsi qabaa in ciidamada Ruushka ee la soo dhoobay xadka dalkaasi ay weerar ku qaadaan Ukraine.

Haddaba maxaan ka naqaannaa jabhadda la magac baxday “Guutada Soomaalida” ee ka tirsan fallaagada ka jirta bariga Ukraine ee taageerada ka hela Ruushka.

“Guutada Soomaalida”

Waxaa guutadan lagu magacaabaa “Somali Battalion”, waa garab militeri oo ka tirsan jabhad ka dagaallanta gobolka Donestk ee bariga Ukraine, jabhaddan waxay ka qeyb qaadaneysaa dagaalka haatan ka socda Donbas ee Ukraine, waxay dagaal kula jiraan ciidamada Ukraine. Dhammanatood waa muwadiniin u dhashay Ukraine oo ma jira qof Soomaali ah oo ka tirsan, balse magacaas uun ayay la baxeen.

Waxaa horraan guutadan la oran jiray 1st Separate Tank Battalion Somalia, waxaa hoggaamin jiray taliye la oran jiray Mikhail Tolstykh, waxay isugu yeeraan kooxda ‘manaxayaasha ah.’

Waxaana hoggamiyahoodii Mikhail Tolstykh uu ku dhintay qarax sanadkii 2017 xilli uu ku sugnaa gobolka Donestk.

Waxaan la sheegay in guutadan ay tahay mid aad u hubeysan xitaa waxay heystaan gawaarida gaashaaman ee dagaalka, madaafiicda iyo gawaarida xamuulka ee dagaalka.

.

Xigashada Sawirka, NOVOROSSIA TV,Ciidammo ka tirsan guutada “Soomaalida”

Dowladda Ukraine ayaa guutadan ku tilmaantaa koox argagixiso ah oo ay baacsanayaan ciidamada dowladda si lamid ah kooxaha kale ee ku kacsan xukuumadda ee gooni u goosadka ah.

Guutadan wuxuu fadhigeedu yahay gobolka Donetsk iyo Makiivka.

Markii Ruushku weeraray Ukraine 2014 kii, falaago uu hoosta ka taageero madaxweyne Putin ayaa la wareegtay dhul balaaran oo ah galbeedka Ukraine ah , fallaagada ayaa muddo halkaas kula dagaalamayay ciidamada Ukraine.

Inkasta oo uu dhacay shirkii nabadda ee Minsk, hadana iska hor-imaadyadu wali way sii socdeen, sidaas daraadeed madaxweynaha Ruushka wuxuu sheegay in ciidamo uu ugu yeeray nabad-ilaalin u diri doono goobaha ay ka taliyaan kooxaha gooni u goosadka.

Reer galbeedku waxay u arkeen arinkaas mid aan micno lahayn oo Moscow dooneyso in ay dhul ka qabsato, kuna duushu wadan ay ku nool yihiin 44 malyan oo dad ah oo daris la ah Midowga Yurub. Bilowgii, waxaa jiray warar sheegayay taangiyo soo gaarayay gobolka Donetsk ee ay maamulaan gooni u goosadku, sawirada satellite kuna waxay muujinayeen ciidamo Ruush ah oo ku sii socda meel u jirta xuduuda Ukraine 15-30km.

Ruushku horay ayuu u muujiyay in uusan doonayn Ukraine oo ku biirto ururada Yurub, Nato iyo Midawga Yurub labadaba. Hadda Putin wuxuu leeyahay Ukraine waa dawlad ay yurub hagto oo aan danaheeda ka fikirin.

Dalabkiisa ugu wayn ayaa ah in reer galbeedku damaanad qaadaan in Ukraine aysan ku biiraynin Nato.

Ukraine horay waxay uga tirsaneed midawgii Soviet, waxay Ruushka la wadaagtaa xiriir bulsha iyo mid dhaqan oo qotodheer.

Isha: BBC Somali

Hadalsame Media