Markii ugu horreeysey taariikhda oo in Somalia lala xaajoodo ay qayb ka noqotay ololaha doorashada Kenya

0

(Nairobi) 23 Feb 2022 – Madaxweyne Xigeenka dalka Kenya, William Ruto, oo maalmihii la soo dhaafay dalkaasi ka wadey ololahe doorasho oo uu ku doonayo inuu u tartamo madaxtinnimada Kenya ayaa qaaday tillaabo cusub.

Ruto oo tegey gobolka uu jaadku ka baxo ee Meru ayaa waxaa uu ballanqaaday in haddii loo doorto xilka Madaweynaha uu kordhin doono wax soo saarka Qaadka.

Waxaa kale uu sidoo kale Ruto sheegay inuu wadahadal la gali doono Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo ku saabsan sidii qaadka Kenya loogu fasixi lahaa dalka Soomaaliya.

Hadalka Ruto ayaa kusoo aadaya xilli in muddo ah ay taagnayd arrinta Jaadka, kaasoo ay DF Soomaaliya ka joojisay in la geeyo magaalada Muqdisho oo cunta jaad ka badan Somalia inteeda kale oo dhan, waloow aan taa dalka loogu danayn oo Jaadkii iminka laga keeno dalka Itoobiya.

Waa markii ugu horreeysey ee in Somalia arrin lagala hadlo ay qayb ka noqotay doorashada maxalliga ah ee Kenya, iyadoo uu Ruto laama jaad ah cunayey markii uu warkan sheegayey.

Hadalsame Media